Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Trump: Wiilyahow Afka Luc-Luca Leh Ee Carrabku Weynaaday Xagee Caga Dhigeysa .. Kim Jong-Un : Colaad Sheegtaye Soo Kici Haddi Ciddi Ka Cabsooneyso

Thursday - August 10, 2017



Wararka laga helaayo waqooyiga kuuriya ayaa dunudu si odorosa ka muujisay walbahaar murugo leh in halkaas tartanka dagaal ee ka dhex curtay mareykan iyo kuuriyada waqooyi ay keento in dagaal sadexaad dunida albaabka uga galaan oo dacaladeeda caalamka dab qabsado, dabadeed halkaas khasaaro halaag culus ay ka dhacdo dunida guud ahaan. waxaana cabsida weyn tahay in ciidamada Mareykanka ay qaadaan dagaal barqo weerar oo kadis ah, dabadeed qaylo iyo siigo kor u duusho

Hogaamiyaha kuuriya Waqooyi oo aduun faan ku rogay, lurna sii koror-sanaaya ayu Trump ugu baaqay inu haddu ku dhaco ka soo boodo irdaha iyo xuduuda arlada Kuuriya .. hogaamiyaha ayaa isku mahadiyey inu haysto gantaalo xambaarsan hubka halista ah oo u la qar-qarayo inu ridi-karo gantaalo istraatiiji ah kuna halaagi-karo arlada Jabaan iyo dhinac jasiirada Guam oo u 14 daqiiqo gudahooda ku baabiin-karo halkaaso saldhig u ah ciidamada milatariga Mareykanka. 

Dhinaca Mareykanka oo qab-weyni kibir inta badan la qooqa, ciqaab ahaan geeska galiya dawlad kasta oo isaga ka goos-qabsata ayaa wacad iyo balanqaad ku maray inu dhirbaaxyo si fajac iyo Naar xanuun lala yaabo iyo holac dayuurado ridayaan dhulka la simi-doono Rajiimka diktaatooriga ee ka dhisan waqooyiga Kuuriya, dabadeedna ay ku dhacdo qoor-dhiibasho iyo qaxootinimo sidi ku dhacday qayrkiis

Dhinaca kale masuullin ka mida dawlada Mareykanka ayaa socdaalo shukaansi wadatashi ku kala bixinaaya dadlaka Asiyada si taageero uga helaan dhinaca milatariga iyo dhaqan-galinta cunaqabteynta la saaray kuuriyada.
Dawlad China oo iyadu codka golaha Amaanka xaga cunaqabateynta ku raacday Mareykanka ayaa sheegtay iney codka ay bixisay China ku ahayd mid ay ka xuntahay, balse ku andacootay in ujeedku ahaa in dawlada Kuuriya ay ogolaato wada hadal, laakiin marna ay meesha soo galin dagaal shaf loo tumo iyo duulaan aan lagu khasbin dawlada Chiinaha.