Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Cirkaa Meel Ka Onkaday..Taalibaanka Dhex Jiifa Bacadka Iyo Habaaska Gaajada La Yeera Aan Biyo Ismarin Oo Wacad Ku Maray In Askarta Mareykanka Iyagoo Caga-cad Ka Bixi-doonaan Afgaanistan

Tuesday - August 22, 2017


Madaxweynaha Mareykanka ayaa khudbadiisi xalay isago itaal sheeganaaya uu kaga hadlay arimaha Afgaanistaan oo u ku sheegay inu halkaas iyo cariga afaagaanistaan u diri-doono ciidamo dheeraad ah iyo diyaarado holac tuuraya si ay ku soo gaba-gabeeyaan gebi ahaanba argagixisada Taalabaan ee dhinac walba kaga baahaday dalkaas. hadalkaaso khilaafsan wararkii beryahaan la isla dhex marayey oo ahaa in ciidamada Mareykanka isaga soo bixi-doonaan dalkaas

Dhinac kale Uruka Taalibaan oo iyagu dhinacooda ka jawaabay warka ka soo yeeray Trump ayey ku cadeeyeen in hadalka iyo guul-guulka gorofka Fircon-Trump u ka dhigan-yahay dameer ciyey, islamaarkaana ku baaqay haddi usan ciidankiisa si deg deg ah kala bixin dalka afagaanistaan u meydkiisa cuni-doono haadka galaw-leynaya iyo isagoo Caga Cad kaga bixi-doono dalka.
Dagaalka Afgaanistaan ayaa socda muddo sanooyin ah, waxaana muuqata in Mareykan iyo xulafadiisa ay marba marka ka si dambeysa ku daalayaan dagaalka halkaas ka socda.