Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Ciidamo Hordhac U Ah Saldhiga Turkiga Oo Soo Gaaray Mogdisho Iyo Jeneral Siisi Masar Oo Weli Farmaajo Ku Baacsnaaya Sidu U Muujiyo Dabcsanaan Xaga Saldhig Laga Siiyo Somaliya

Wednesday - August 23, 2017


Ciidan ka socda dalka Turkiga oo Tiradoodu kor u dhaafeyso 200 askari ayaa soo gaaray magaalada Mogdisha iyadoo boqolaal kale ciidan ay ku soo daba xigaan maalmaha soo socda, waxaana ciidankan ka kooban-yahay saraakiil sare, askar iyo macalamiin loogu tala galay iney bixiyaan tababarada ciidanka dawlada somali.

Waxaa kalo warku sheegaya in halkaas dhawaan laga furi-doono munaasabad saldhig milatari weyn oo aan la garaneyn sidu u qeexan-yahay heshiiska Somaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen, isla markaana aan la ogeyn xuduuda saldhig ahaan u ku egyahay, waxaa kalo la aqoon in saldhigaas u ka dhex-babandoono calanka Somali iyo in kale, sido kale lama garanaayo lacagaha kaashka ee heshiiska iyo sida loo bixinaayo iyo gaar ahaan mudooyinka heshiiska

Dhinaca kale waxaa la cadeynaya in Masar ay waayahaanba doon-dooneyso in saldhig milatari ay ka sameysato meel ka mida xeebaha somaaliya, halkaaso deplomaasiyiin ka socda Dowlada Masar ayaa si qarsoodi ah ku sugan Caasimada Mogdisho, halkaaso kulamo uga socdaan masuullinta labada dal,

Dowlada Masar ay rabta iney keento saldhiga somaliya ciidamo gaaraya illa 30,000 oo hordhac ah, laakiin illa hadda dawlada u Farmaajo madaxa ka yahay ayaa illa iyo xad arintaa ogolaan-shaheeda ka gil-gilanaya, walow la yiri farmaajo ayaa kulankiisi Jeneral Siisi ka codsaday in la siiyo waqti u arinkaa xasaasiga ah iyo duruufaha jira u kaga baarandago. 

Siyaasiyinta Itoobiya ayaa walwal xoogan ka muujiyeen arinta Dowlada Masar ay ku doonayso innay Saldhigyo Military ku yeelato Wadamada Geeska Afrika,

Dowlada Masar ayaa dhawrkii Sanno ee ugu dambeeysay xusul duub ugu jirtay sidday u heli lahayd Saldhig Ciidan oo Itoobiya Xuduud la leh si ay halkaas uga fuliyaan dhaq dhaqaaq Military oo ku wajahan dhismaha biyo-xireenka Webiga Nile oo Nolosha Dalka Masar halbowle u ah kaas oo ay Itoobiya xiranayso,