Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

South Africa Cannibalism .. Dad Lagu Qabtay Hilibka Dadka Cuna

Monday - August 28, 2017



Afar qof ayaa maanta maxkamad la horgeynayaa kuwaas oo lagu eedeynayo inay haysteen hilib dad.
Dadka waxaa ka mid ah nin daawo dhaqameed sameeya oo lagu eedeeyay in macaamiishiisa uu siin jiray hilib dad.
Ninkaas wuxuu dadka u sheegi jiray in ay ku Taajirayaan, guulna ay ku gaarayaan cunidda hilibka Aadanaha.
Arrintan ayaa la ogaaday ka dib markii mid ka mid ah afarta qof uu tagay saldhig boolis, isagoo sita hilib dad, wuxuuna poliska u sheegay in uu ka daalay cunidda hilibka Aadanaha.

Markii su’aalo dheeraad ah la weydiiyay, wuxuu ninka poliska tusay lug iyo gacan oo uu sheegay inuu cunayay.
Booliska ayaa markaa ka dib ninka u raacay guri ku yaalla KwaZulu-Natal, halkaas oo maydad kale ay ka heleen.
Weriye BBC-da ka tirsan oo ku sugan duleedka maxkamadda ayaa sheegtay in dibad baxyo ay ka socdaan duleedka maxkamadda, iyadoo dadkaa isu soo baxay ay dalbanayaan inaan damaanad lagu siidayn dadkaasi lagu eedeeyay inay hilib Dad cuneen.