Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Jabhada ONLF Oo War Cad Ka Soo Saartay Sarkaal Ka Tirsanaa Oo Dawlada Somaliya U Gacan Galisay Itoobiya

Wednesday - August 30, 2017


War-saxaafadeed ka soo baxay ONLF oo lagu qoray bogga ururka ayaa lagu xaqiijiyay in C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo dhammaan qoyskiisa ay laayeen taliska TPLF ee Itoobiya.

ONLF waxay caddeysay in dowladda Soomaaliya ay si khasab ah oo aan rabitaankiisa ahayn sarkaalkaasi ugu wareejisay Itoobiya iyadoo markii hore ballanqaad ku sheegtay inay sarkaalkaas sii deyneyso kadib markii si abaabulan looga soo qabtay magaalad Gaalkacyo.

Qoraalka ONLF ayaa caddeysay in madaxda Soomaalida ee xilligan ay dembi aan la cafin ka galeen umadda Soomaaliyeed, waxaana madaxdaasi ugu horeeya:

1- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo

2- Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre

3- Taliyaha NISA C/llaahi Maxamed Sanbaloolshe

4- La-tliyaha Amniga madaxweynaha Bashiir Maxamed  Jaamac (Goobe)