Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Xog Daahsoon Oo Lagu Qanci-karo ..Taliye Sanbalooshe Oo Gaashaanka U Daruuray Qorshe Farmaajo Ula Yimi

Sunday - September 3, 2017



Warar xuuraan oo laga helaayo xarunta Villa Somaliya ayaa tilmaameysa in taliyaha Nabasugida qaranka iyo masuullinta sare ee Dawlada u ka dhex jiro muran lagu haftay iyo xaalad gaartay car juuq dheh iyo yaa jar looga talaabsanaya, oo la xariirta sidi loo dabooli lahaa dabinkii loo dhigay iyo godka qarmuunka lagu tuuray geesigi lagu gardarooday Qalbi Dhagax Oo Ummadda Somali meel kasta ay joogto weli tiiraanyo iyo ciil la hagoogantahay

Saaxiibada hoosta wax kala unkama Madaxweyne Farmaajo ee Villa Somaliya ayaa dadaal badan ugu jira in arrinta Qalbi Dhagax lagu dhameeyo Is-casilaad uu sameeyo Taliyaha NISA Sanbaloolshe ama Madaxweynaha uu Casilo isagoo ogol oo Buuq ka keeneyn si Shacabka loogu qanciyo in Taliyihii dhiibay Qalbi Dhagax la eryay, balse taasi waxaa diiday Sanbaloolshe oo sheegay in amarka uu ku dhiibay Qalbi Dhagax ay siiyeen madaxda talada dalka haysa uuna hayo cadeymo badan oo haddi loo baahdo u kashifi-doono. saas oo ay tahay ayuu haddana yiri: weli illa hadda waxaan qarinaya dhibaatooyin badan oo badan waxaana dhawraya sharafkeyga in aan ka dhawaajiyo hebel iyo hebel ayaan iska dhawraya oo waxaan la sugaaya waqtigeeda

Taliye Sanbaloolshe ayaa haddana dhinaca kale laga soo maray oo la isku dayey in lagu qanciyo hanashada kursiga madaxtinimada Hirshabeele isna casilo, balse mar kale isagoo xanaaqsan buuftaamaya waa u diiday soo jeedintaas, waxuuna sheegay in Dambiga dhamaan lagu wada jiro isla markaana uusan qaadaneyn kaligiis beenta dhar la'aanta lagu daboolaayo.

Sida la soo xigtay, waxaa Taliye Sanbalooshe laga soo xigtay inu yiri: dhiibista Qalbi dhagax aniga keligey ma lihi balse waa la wada leeyahay, mana dhaceyso in aan aniga xilka waayo ayaguna si joogtaan, waxaase ila haboon ayuu yiri in aan dhiibista wada qirano oo Cafis weydiisano Shacabka ama aan is wada casilno ama aan iska aamusnaano oo howsheena iska wadano aniga inaan kaligeey Dambiga qaato ma aha wax dhici-kara.

Aduunyada maalinba waxaad arkeysa wax kaa yaabiya oo aadanuhu la yaabo .. Si kastaba ha ahaaatee, arrinta Qalbi Dhagax ee lagu wareejiyay dowlada Itoobiya ayaa noqotay mid Hurdo la’aan kar iyo kuleyl ku riday shacabka Somali, arintuna waxaa loo arkaa " Dabkii Daashka kaa guba digniin baad ka qaadata" oo berina sida Qalbi Dhagax ayaa Rag badan loo gurabsan-doona .. Waagi hore, waxaa la oran jiray xaasidsanaa ma xabashaa, haddana waxaa la is yiraa xabiibsanaa ma xabashaa