Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 17 April 2024

Habar Dhaliweyday Aleelaysatay .. Farmaajo Iyo Kheyre Oo Ku Shukaaminaaya Agaasimaha Guud Fahad Yaasin In U Ka Hadlo Kiiska Qalbi Dhagax Iyo Fahad Oo Yiri Horta Yaa La Siraa

Tuesday - September 5, 2017


Mogdisho- ilo lagu kalsoonyahay Oo Loo Qaateen ah, ayaa sheegay in Agaasimaha Guud ee Villa Somalia uu hoggaanka dalka ka diiday in arrinta xiisadda dhalisay uu ka hadlo, isagoo isu arka inaanu boos kaga bannaanayn ka hadalka wareejintii Qalbi Dhagax.

Sarkaal Villa Somalia ka tirsan oo dad u ku kalsoonyahay u waramay, ayaa yiri "Madaxweynaha ayaa ku amray Fahad Yaasiin inuu ka hadlo arrintan oo mid xasaasi ah. Maadaama Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Taliyaha Nabad Suggida lagu eedeynayo inay wareejiyen Qalbi Dhagax, sidaasi daraadeed ayaa Fahad Yaasiin looga dalbaday in uu umadda Somaliyeed u sharxo arrintan, una sheego in Dowladda Somaliya ay xal u aragtay in ninkaasi sababo kala duwan awgeed lagu wareejiyo Dowladda Itoobiya, hasa ahaate Agaasime Fahad Yaasin ayaa fikirkaas ka horyimi, isla markaana sheegay in arintaan lagu deg-degay oo aan laga fiirsan .. Fahad Yaasiin ayaa hadalkiisi ku andacooday in xilligan haddi u dadka la hadlo ay shacabka Somaliyeed u arki-doonaan mid la wareegay taladii Madaxtooyada Somaliya .. Fahad ayaa ugu dambeyn u soo jeediyey farmaajo iyo kheyre in iyaga uun dalka u sareyaan loogana baahan-yahay inay arrimahaasi ka hadlaan.”

Sarkaalka sirta laga xigtay, ayaa ugu dambeen sheegay haddii Farmaajo & Khayre ka gaabsadaan inay arrintan ka hadlaan, ay suurtagal tahay in saddex wasiir uu midkood bixiyo jawaabta laga suggayo dowladda. oo midkood la hadlo Saxaafadda, si uu u bixiyo jawaabta dowladda laga suggayo. kuwaaso kala ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Amniga Gudaha midkood ayay u badan tahay inuu ka hadlo, haddii Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ka gaabsadaan inay ka hadlaan.
Farmaajo iyo Khayre, ayaa hadba sidi habar dhali-weyday Aleesha dhinac u tuuraya, waxaana laga dhadhansan karaa in isu dhex yaac badani uu ka dhex jiro. wareejintii Qalbi Dhagax