Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Akhriso Adaa Yaabiye .. Xukumada Oo Go'aan Ka Gaartay Qalbi Dhagax Kuna Tilmaantay Inu Ka Mid Yahay Argagixisada Al-Shabaab

Wednesday - September 6, 2017



Mogdisho- Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa ahaa arrimaha amniga Qaranka iyo dhacdadii sarkaalka Jabhadda hubeysan ee ONLF.
Golaha ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay hay’adaha amniga ee la xiriira xaaladaha amni ee dalka guud ahaan, gaar ahaan dhacdadii sarkaalka Jabhada hubeysan ee ONLF, waxeyna sheegeen in uu abaabulayey falal lid ku ah amniga dalka oo uu in muddo ah ka dhexwaday dalka gudahiisa, xiriirna uu la lahaa kooxaha argagaxisada ah ee Al-Shabaab.

Warbixinta amniga qaranka ka dib ayaa Ra’iisul Wasaaraha wuxuu ka codsaday xubnaha golaha wasiirrada in ay ka doodaan, falanqeeyaan, eegaana dhanka siyaasada iyo dhanka sharciga guud ahaan.

Golaha waxaa la horkeenay nuqulka Heshiisyo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay Dowladda Ethiopia ee 07dii Juun 2015kii kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada JFS Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ee dawladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud .. Heshiiskan ayaa u aqoonsanaya kooxaha hubaysan oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo Jabhadda ONLF in ey khatar ku yihiin amniga labada dal, meelna looga soo wada jeesto oo labada dal ay iska kaashadaan si wada jir ah.

Waxaa sidoo kale la horkeenay Golaha Wasiirrada heshiis la saxiixay 2dii May 2016 oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ku heshiiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal. Heshiiskan waxaa Dowladda Federaalka u wada saxiixay Wasiirkii hore ee Boostada & Isgaarsiinta Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geele) iyo Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed.

Dood dheer ka dib, golaha wasiirradu waxey go’aamiyeen in dhibista Qalbi dhagax ahayd mid waafaqsan sharciga labada dhinac ay ku heshiyeen