Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Xog .. Wasiirada Maryan Qaasim Oo Gaashaanka U Daruurtay Beenta Iyo Daba-gaaleynta Kheyre Una Gudbisay Is Casilaad Iyo Farmaajo Oo arinkaa Salka U Dhigay

Friday - September 8, 2017


Drs Maryam Qaasim ahna wasiirada gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, ayaa lasoo sheegayaa iney madaxda DFS gaar ahaan madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre ay arbacadii ku wargelisay ineysan xilkaas sii heyn karin maadaama ay aad uga xun tahay siyaasadda dowladda oo wixii ilaahay xaaraantimeeyey cadeysatay ku dhaqankeeda iyo wax aan jirin abuuristooda ..Dawlad kudaafad qarmuun bey dhex fariisatay faashilna noqotay.

Wasiiradda ayaa sida la sheegay ka carootay go’aankii ay dowlada Soomaaliya ka qaadatay arinta Qalbi-dhagax oo Itoobiya loo gacan geliyay, waxaana ay aheyd wasiirada kaliya ee si cad u diiday iney u codeyso sax ahaanshaha dhiibista Qalbi Dhagax, waxay kalo wasiirada cadeysay in dhiibista sarkaalka ay isku raaceen shakhsiyaad karbaash aan la arkeyen ka saaran oogada

Go’aanka kadib ayaa waxaa wasiirada la soo hadlay Ra’isul Wasaare Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo, waxaana lasoo sheegayaa in wada hadal dheer kadib lagu qanciyay iney xilkeeda hakad galiso, iyaduna iyado ka xun iska aqbashay.