Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 23 September 2017

War Weyn .. Xildhibaanada Qaranka Oo Dirir Iyo La Xisaabtan La Hortagaan R/W Kheyre Oo Ku Talabsaday Ku Tumashada Dastuurka

Saturday - September 9, 2017



Warar xuuran iyo weydiimo Galdogob Times khadka taleefoonka kula xariirtay siyaasiyiin kala duwan oo ku sugan mogdisho gaar ahaa kuwa iyagu lagu tiriyo iney ku lifaaqanyihiin xildhibaanada iyo madaxda sar sare ee dalka ayaa intooda badan ii sheegay in ay u badantahay in kalsoonida lagala noqon-doono R/Wasaare Kheyre oo loo haysto inu ka dambeeyey dhiibisti muwaadin Qalbi Dhagax.

Sida ay ii sheegeen,wejigga koowaad ee dagaalka mooshinka waxaa looga adkaaday Xulufadda Farmaajo iyo Kheyre maxaa yeelay waxay ku guuldareeysteen iney joojiyaan in kulanka baarlamaanka lagu furo dacwadda Cabdikariim Qalbi dhagax. taaso ka dambeysay in Guddigga joogtada ee ku shaqadda leh kiiskaas ay aqbaleen in kala fadhigga baarlamaanka ee ugu horeeyo looga doodo kiiska Qalbi dhagax.

Mooshinka cusub ee xilka ka Ridaya Raisul-wasaare Kheyre waxaa daaha gadaashiisa ka taagan Xildhibaano boqol iyo dheeraad, kuwaas oo ka soo kala jeeda qabiiladda, oo haddii la xuso beelaha Xildhibaanadda codad-kooda lagu kalsoon yahay, waxaa ka mida 39 xildhibaan oo ka soo jeeda beesha Hawiye, halka xildhibaanada Daarood ee aqbalay mooshinka Kheyre lagu qiyaasay 30 xildhibaan, sido kale beesha Dir ayaa xogta sheegeysa in 30 ka mida ay qaateen mooshinka ka dhanka ah Kheyre, isla markaa beelaha Digil Iyo Mirifle intooda culus ayaa taageeray xil ka qaadista Kheyre, waxayna dhan-yihiin illa 25 xildhibaan .. Beelaha loo yaqaan shanta (5) amase otherska yaa iyagana ogolaaday xil ka qaadista, waxayna tiradooda lagu tilmaamay illa 15 inta la hubo, laakiin tiradaas xildhibaanada la sheegay iney mooshinka raacsan-yihiin waqti-waqti tiro ahaan kor u badankara ama hoos u dhici-karta

Isku darka xisaabtaan illa hada waxeey noqoneysaa 160 Xildhibaan codadkooda oo saadaasha la filaayo iney tirada kor u si kordhi-karto, taas oo aad uga badan codadka loo baahan in lagu rido R/W Kheyre oo ah 131 Cod.

Ugu yaraan maallin iyo labo ayaa dhici-karta inu socdo dooda mooshinka, kadibna waxaa la geli-doona in cod loo qaado kalsooni kala laabashadda Ra’isulwasaaraha.
Ugu dambeeyn waa haddi u maro mooshinka, Xildhibaanadu waxeey qorsheeynayaan iney Madaxweynaha u diraan warqad ay uga dalbanayaan inuu raaligelin buuxda ka bixiyo falka foosha xun ee lagu afduubay Cabdikariim Qalbi dhagax sidoo kalena ku soo celsho dalka mudo 14 maalmood ah.

Gabagabo- Somaliya maanta sida muuqata, waxa ka jira ku xad-gudub distuur iyo ku tumasho sharcigii wadanka oo farmaajo iyo kheyre jeebka ku qaateen .. Xukuumadan waxay noqotay kuwa xakameynta sharciga neceb waxay banaysatay u tagrifalka awoodda qaranka oo loo isticmaalo si arxan darro ah

Arintaan Ku tagrifalka awooda waxay noqotay sunne cusub oo ay jideysay xukuumadda Farmaajo iyo Xasan Kheyre maanta talada haysaa, waxanaa laga cabsi qabaa in mustaqbalka ay keeni karto in sababaha loo cuskaday qalbi dhagax iyo ansaxinta golaha wasiirada ay noqoto tixraac sharci lagu dhiibi-karo kuwa kale oo itoobiya soo codsato, waana arrin qaranka khatar ku ah.