Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Garab-Duubis Aan Ku Xire Gacanta Soo Dhiibo .. Olole Aad U Xoog Badan Oo Ka Dhan Ah Culimada Garweynta Sacuudiga Oo Eedeeyn Dusha Loo Saaray Iney Haa-Haabanayaan Kursiga Boqotooyada

Tuesday - September 12, 2017



Qoraalo warkooda la soo xaqiijiyey oo la dhigay Baraha Bulshadda ayaa lagu sheegay in xabsiga loo taxaabay culimo fara badan oo taageero xoog badan ku lahaa dalka Sucuudiga Gudihiisa iyo gaar ahaa dunida Musllinka
Shiikh Salmaan Al-cawdah oo 14 million oo Taageerayaal ku leh Bartisia Twitterka ayaa ah Sheekh awood iyo saameyn weyn ku leh gudaha Sacuudiga, wuxuuna inta badan si kulul u naqdiya falalka guracan ee amiirada iyo Madaxda Boqortooyadda Sacuudiga, iyadoo hadda ka horna xabsiga la dhigay sannadihii 1994-kii ilaa 1999-kii, kadib, markii uu ku baaqay in Isbedel Siyaasadeed uu ka dhaco Sacuudiga.
Shiikh Salmaan Al-cawdah oo isagu aan waxba geysan oo tiiraanyo la tagay xabsiga u yahay Shiikhii nambar lixaad ee ay Madaxda Sacuudiga xiraan isbuucan, kuwaasoo xumaan dusha lagaga miisay oo sida la xusay ay barri ka yihiin, laakiin shacabka reer Sacuudi ayaa arinkaa ka muujiyeen murugo iyo xanuun badan, taasna waxay keentay in Bulshada Sacuudiga meelkasta guri iyo geed, ciyaal iyo ciroolaba oo ay joogaan la sameeyo dhaqdhaqaaq kacdoon oo looga soo horjeedo go'aamada iyo ujeedada guracan oo ka soo baxaysa maskax si khladan u fikirtay

Waxay kalo wararku sheegayaan in la xiray Shiikhyaal kale oo caan ku ah Dalka Sacuudiga oo lagu kala magacaabo:
1- Cawad Al-Qarni 2- Shiikh Ibrahim Faaris 3- Shiikh Yuusuf Axmed 4-Digtor Ibraahim Nasir 5-Shiikh Maxamed Habdaan 6- Shiikh Casmi Biishi 7-Digtoor maxamed Cabdicasiis Al-khdri
Dhamaan culimadaan waxaa dusha loo saaray iney diideen aflagaadada dawlada Qatar, isla markaana lagu eedeeyey iney taageereen Dib-u-heshiisiin lala galo Dowladda Qatar.
Allahayoow Culimadi Qashee Adigu Caymi.