Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

War Deg Deg Ah .. Agaasimihi Madaxtooyada Galmudug Oo Weerar Hubeysan Ku Qaaday Gudoomiyihi Baarlamaanka Iyo Kala Carar Laga Soo Sheegay Xarunta

Saturday - September 23, 2017


Wararka ka imaanayo magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamo uu hor kacayo Gaboobe oo ah agaasimaha Madaxtooyada Galmudug uu goordhaw weerar ku qaaday xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir isagoo awood ciidan kaga qaaday furayaashii xafiiska gudoomiyaha iyo furayaasha xarunta baarlamaanka Galmudug.

Agaasimaha Gaboobe oo amar ka heysta Madaxweyne Axmed Ducaale Geele Xaaf oo u ah adeer, ayaa diiday in la furo kulanka baarlamaanka Galmudug, kaasi oo lagu waday in looga hadlo hadalkii dhawaan ka soo baxay madaxweynaha Galmudug ee la xiriira khilaafka madamada carabta oo dhinac uu la saftay.


 Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Axmed Xaashi Carabey oo tagay goobta shaqaaqadu ka dhacday ayaa amar ku bixiyay in Agaasime Gaboobe uu furayaasha xarunta dhiibo kulanka baarlamaankana uu qabsoomo, balse agaasime Gaboobe ayaa diiday in uu dhiibo, isagoo ugu hanjabay Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka in la dili doono hadii ay ka horyimaadan shaqadiisa oo uu sheegay in uu fasax kaga heysto madaxweyne Xaaf.