Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Iiraan Oo Ku Aftaxay Tijaabo Gantaal Cusub Oo Gaaraya 2000 Km Iyo Trump Oo Cabsi Ka Muujiyey

Saturday - September 23, 2017



Dowladda Iiraan ayaa waxa ay si guul ah u tijaabisay gantaal cusub oo riddadiisu ay meel dhexaad tahay, arrintaas oo ay ku muujinayso sida ay u diiddan tahay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Tijaabada gantaalka Khoramshahr, oo dhirirkiisu uu gaarayo ilaa 2,000 km, ayaa waxaa lagu baahiyay TV-ga qaranka. Ma ay cadda marka tijaabada la sameeyay.

Madaxweyne Trump ayaa Talaadadii waxa uu ku dhaleeceeyay Qaramada Midoobay in barnaamijka gantaallada ee Iiraan iyo heshiiskii nukliyeerka ee 2015 dalkaas lala galay.

Hasayeeshee Jimcihii Madaxweynaha iiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa sheegay in Iiraan ay difaac ahaan u ballaarin doonto awoodeeda milateri.
Gantaalka Khoramshahr ayaa marka hore lagu soo bandhigay dhoolatus milateri oo Jimcihii lagu qabtay magaalada Tehraan. Waxa uuna gantaalkan awoodaa inuu xambaaro bambooyin nooco kala duwan leh, sida lagu sheegay TV-ga qaranka ee Press TV.
Mareykanka ayaa bishii July ku dhawaaqay cunaqabatayn cusub oo uu Iiraan ugu soo rogay barnaamijkeeda gantaallada ridada dheer iyo waxa uu ugu Mareykanku ugu yeeray taageerada ay Iiraan u fidiso ururrada Argagixisada.