Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Afgambi Ku Wajahnaa Xaaf Oo Dhicisoobay

Tuesday - September 26, 2017


Ex Musharax madaxweyne Axmed Shariif oo loolan adag horay ula galay Xaaf hadana adeegsanaya lacag iyo ciidamo gaara garabna ka haysta dawlada Fedaraalka iyo Liiban Shuluq oo ahaa gacan hayihii Madaxweynihii hore ee Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa Hotel ku yaal Magaalada Cadaado ku qabtay kulan ay isugu keeneen tiro la sheegay iney gaarayeen 15 xubnood oo xildhibaan kuwaasoo fadhigoodi halkaas kaga dhawaaqay inay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf.

Hasa-ahaate Xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa isla markiiba sheegay inuu Axmed Shariif Caawa isku dayey inuu afgambi ku sameeyo maamulka galmudug markii u qol ku xirtay tiro xildhibaano 15 xubnood

Dabagal lagu sameeyay tirada ay kala heli karaan labada dhinac ee Cadaado isku hayo ayaa soo ogaatay inuusan jirin hal garab oo heli karo 46 Xildhibaan oo ah tirada xilka looga qaadi karo Madaxweyne Xaaf iyo ku xigeenkiisa, waayo ilaa 20 Xildhibaan oo ka tirsan Galmudug ayaa ka maqan Magaalada Cadaado, marka  laga reebo tirada guudna waxaan macquul aheyn inay labada dhinac helaan tiro gaareyso 46 midkoodna, maadaama Xildhibaanada ay u kala jabeen laba dhinac kuwa taageersan Xaaf iyo kuwa kasoo horjeedo.

Dhinaca kale Odayaasha ka soo jeedo Deegaanada Galmudug ayaa ka digay falka uu wado Axmed Shariif oo doonayo inuu mar uun kursigaas ku fariisto isagoo aan fiirineyn danta Galmudug iyo shacabka deeganadaas oo aan xilligaan diyaar u aheyn dagaal sokeeyo.