Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Maxaa Ka Soo Kordhay Xiisadi Siyaasadeed Ee Cadaado Ka Taagneyd

Saturday - September 30, 2017


Wararka maanta ka imaanaya magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in magaaladaasi uu ka socdo qorshe la doonayo in xilka looga qaado Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey.

Qorshahan xilka looga qaadayo Gacal iyo Carabey waxaa abaabulay oo dhaqaalo badan ku bixinaya Madaxweynaha xilkiisa lagu muran san yahay ee Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo doonaya in Xildhibaanada taageersan xilka ka qaadaan labadan masuul ee siyaasadiisa kasoo horjeestay.

Sida aan Wararka ku helnay Qorshaha xil ka qaadista Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne kuxigeenka ayaa la doonayay in xalay dhacdo , hasa ahaatee waxaa arintaasi ku timid fashil kadib markii Kooramka Xildhibaanada buuxsami waayay sidoo kale shuruudo adag la yimaadeen Xildhibaanada.

Xildhibaanada taageersan Siyaasada Madaxweynaha Galmudug oo gaaraya 34 Xildhibaan ayaa diiday in codka kalsoonida kala noqdaan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne kuxigeenka hadii aan la siin dhaqaalo badan ay ku qanci-karaan.

Madaxweyne Xaaf ayaa u qorsheeyay in Xildhibaan kasta oo kulanka kasoo qeyb gala la siiyo lacag dhan Kun Dollar, hasa ahaatee inta badan Xildhibaanada ayaa ka biyo diiday lacagtaasi iyagoona sheegay in aysan lacag intaas la eg wax ku qaban Karin.

Waxaa socda abaabul kale oo la doonayo in Xildhibaanada taageersan Xaaf xilka uga qaadaan Maalinta berito ah Madaxweyne Kuxugeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana Xaaf Xildhibaanada u diyaariyay mis kasta lacag dhan Labo Kun oo Dollar,

Lama oga in Xildhibaanada Galmudug ee la Safan Axmed Ducaale Xaad lacagtaasi ku qanci doonaan ayna xilka kooram la’aan uga qaadi doonaan labada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.

Magaalada Cadaado waxaa ka taagan buuq siyaasadeed meel xun gaaray, waxaana fashil kusoo dhamaaday kulamo la doonayay in lagu heshiisiiyo Madaxda Maamulka Galmudug, waxaana laga cabsi qabaa in xaalkada Siyaasadeed ee Galmudug meel xun sii gaarto.