Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Xildhibaano U Guuxaya Iney Xilka Ka Tuuraan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Iyo Sharif Xasan Oo Dhankiisa Ka Yiri Waa La Is Qod-Qodayaa

Wednesday - October 4, 2017

Koonfur Galbeed
Mogdisho-Xildhibaan Dhubad Maxamed Dhaqane oo ka mid ah Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay si wda jira ugu midoobeen sidii ay xilka kaga qaadi lahaayeen Madaxweynaha maamulkaasi.

Waxaa uu xildhibaan Dubad sheegay in xildhibaanada Koonfur Galbeed ay wada qaateen Go’aan mid ah kaasoo ah in xilka laga qaado Madaxweyne Shariif Xasan.

Waxuu kalo sheegay xildhibaanku in 16-ka Bishaan in kulanka Baarlamaanka uu ku furmi-doono Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Shariif Xasan  Aadan.
Sido kale madaxweyne Xasan Shiikh ayaa marku warkaas maqlay dhoosha ka cartamay oo yiri: Bismillaah Waa la is qod-qodaya ee Burdaha Aan isku meerino si ay belaayada meereysa inooga beyrto dabadeedna warkiisi ku si cadeeyey in Xildhibaanada qaylinaaya u magacooda haysto, oo xaalkoodu yahay amar diido oo Anti baa la qorin.