Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Mareykan Sixir Baa U Yimid Lagu Salguuray .. Haweyney Reer Mareykan Ah Sidata Diplmatic Passports Oo Magangalyo Weydiisatay Dalka Norwey

Friday - October 6, 2017



Haweeney u dhalatay dalka Mareykanka, horeyna u ahaan jirtay diblumaasiyad ayaa magangalyo weydiisatay dowlada Norway, ka dib markii ay sheegtay inay u cabsaneyso nafteeda, aysana ku laaban Karin dalkeeda.

Waxay hadda ku sugan tahay xero Qaxooti oo ku taalla Trøndelag ayaa horey uga tirsaneyd dowlada Maraykanka waxeyna ka shaqeyn jirtay howlo la xiriira xuquuqda dumarka iyo caruurta.

Haweeneydan ayaa ku andacootay in loogu hanjabay dalkeedii Hooyo, isla markaana labo mar la xiray sabab la´aan.

Sida ay haweenedyan sheegtay waxey arintan dhacday, kadib markii ay dagaal u gashay sidii ay dib ugu soo ceshan laheyd ilmo ay iyadu dhashay oo nin ciidanka Mareykanka ka tirsan uu ka dhalay.

Sababta ay Norway u weydiisatay magangalyo ayey ku sheegtay inay tahay in Norway sharci ahaan arimahaas kaga fiicantahay caalamka intiisa kale.

Laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Norway ayaa ku gacan seyrtay codsiga magangalyada haweeneydan, laakiin racfaan ayey ka qaadatay go’aankaas waxeyna sheegtay in Norway ay aad u rumeysan tahay Mareykanka sababtaasna ay tahay mida caqabada ku ah codsigeeda.