Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Madaxdi Maamulada Gobolada Oo Dhamantood Ka Soo Hilaacay Kismaayo .. Farmaajo Iyo Dabecadihisi Oo Weli Buste Isku Dadaya

Sunday - October 8, 2017



Kismayo- Madaxda Maamul gobolada Somaaliya oo shaki ka jiro in intoda badan colaad warmaha u si sifeystay ayaa shalay illa maanta ku soo qulqulaaya xarunta Jubaland ee kismaayo, halkaaso u ka furmi doono shir maxsuulkiisa cidna saadalin-karin, hasa ahaate rag ka soo horjeeda qabashada shirkaas ayaa ku sifeeyey inu yahay Shir Qurun-Walaaq lagula galgalanaayo Bulshada Somaliyeed ", waxaana halkaas maanta si qiiro badan loogu soo dhaweeyey Madaxdi maamulada Galmudug iyo Hirshabeele, iyado horay sidaa iyo si la mida loogu soo dhaweyey Sharif Xasan, oo isagu ah shakhsiga lagu tuhmaayo inu hormoodka ka yahay dabinada loo shaqlaayo Dawlada, waxaana illa maanta iyo saacdaha soo socda imaansho laga filayaa Madaxweyne Gaas

Madaxweyne Xaaf oo ay hadaladiisa ka muuqatay nin dirir u soo xaytay ayaa marku halkaas ka soo degay mahad balaaran u celiyey soo dhaweynta loo sameeyey, kadibna sheegay in dagaal cidyo ku dirir ah ay maanta somaliya ka socoto oo niba dhan wax u rogi-doono .. Sida warka lagu helaayo waxaa maalinta Berri ah lagu waddaa Kismaayo in uu ka furmo Shirkaa oo socon-doona Maalin ama Laba.