Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Amaankii Sirta Mareykanka Oo Dabac Ka Muuqday .. Kuuriyada Waqooyi Oo Jabsatay Interet-Ka Milatariga Kalana Baxday Qorshihi Dagaalka

Tuesday - October 10, 2017


Burcadda internet-ka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay in ay xadeen warqado aad u badan oo sir militari ay ku qoran tahay.
Waxaa la sheegayaa in sirta ay ka mid ahayd qorshe lagu dili lahaa hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong-Un. Dukumiintiyada la qaaday waxaa ku qornaa xilliga duullaanka iyo qalabka dhameystirkooda oo ay ka wada shaqeeyeen Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Sidoo kale waxay la sheegayaa in saraakiil sare oo labadaa dal saaxiibo la ah ay qeyb ka ahaayeen qorshaha. laakiin Wasaaradda difaaca Kuuriyada Waqooyi ayaa diiday in ay ka hadasho arrinta la faafiyay.

Qorshaha ciidamada gaarka ah ee Kuuriyada Koonfureed ayaa la sheegay in si fudud lagu baxsaday. Waxaa la xaday qorshayaasha muhiimka ah iyo sida qalabka militariga uu noqonayo.

Mr Rhee oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kuuriyada Koonfureed, ahna madaxa guddiga difaaca ee Baarlamaanka. Wuxuu sheegay in 235 GB oo sir militari ah, lagala baxay kombuutarada waaxda difaaca. Boqolkiiba 80 lama garanayo cidda la baxday.

Weerarka internet-ka wuxuu dhacay bishii September ee sanadkii tagay. Bishii May ee sanadkan, maamulka Seoul wuxuu sheegay in sir aad u badan laga baxsaday qalabkooda.

Xilligaa waxay ku eedeeyeen Kuuriyada Waqooyi in ay ka dambeyso weerarka dhanka internet-ka ah. Balse weli sharaxaad kama aysan bixin waxa dhabta ah ee la xaday.. warkaan Maamulka Pyongyang ayaa beeniyay eedahaa loo jeediyay.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap ayaa sheegtay in maamulka Seoul uu bartilmaameed u noqday weerarada internet-ka ee Kuuriyada Waqooyi, dhowrkii sano ee la soo dhaafay.