Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Madaxweyne Farmaajo Loo Hanweynaa Oo Lumiyey Fursad Qaali Ah Kana Door Biday Aamusnaan .. By Axmed Roble

Wednesday - October 11, 2017


Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lumiyay fursad uu hore uga faa’iideystay madaxweynihii xilka uga horeeyay ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Fursadan ayaa hor taallay Farmaajo kadib shir weynihii arrimaha Soomaaliya ee ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska Bishii May 2017 oo taageeradii uu ka heystay dadka Soomaaliyeed ay ku qasabtay madaxda Maamul Goboleedyada inay daba galaan oo ay hoggaankiisa shacbiyadda badan ku dhismay.

Inkastoo madaxweyne Farmaajo uu booqday inta badan maamul goboleedyada marka laga reebo Puntland oo xaalado siyaasadeed ay baajiyeen socdaal uu qorsheystay, wuxuu haddana dhexda u galay iska hor imaad toos ah oo siyaasadeed iyo qorsheyaal lagula dagaalamayo madaxda maamullada oo laga abaabulay Villa Somalia, iyadoo xaaladu hadda gaartay meel ay faraha ka baxday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa awoodi waayay inuu isku hayo hay’adaha dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada si looga hortago qalalaase siyaasadeed oo aan loo baahneyn ugu yaraan sanadka hore ee uu xilka hayo, taasoo loo aaneynayo dadka ku wareegsan madaxweynaha oo khibradoodu yar tahay.

Xasan Sheekh oo sameeyay Madashii Wadatashiga Qaranka ee madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada ayaa uga gudbay xaalad Soomaaliya qarka u saartay qalalaase siyaasadeed, waxaana sidaasi lagu doortay dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo, iyadoo meesha laga saaray awoodihii baarlamaanka markaas jiray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda inuu indhaha ka eeganayo xaalado siyaasadeed oo ay ahayd inuu la yimaado hal abuur uu uga hortago ama ku maareeyo sida khilaafka Khaliijka iyo saameynta uu yeeshay iyo arrimo kale oo aamusnaan ka door biday xalintooda.

Shirka Kismaayo hadda uga socda madaxda maamul Goboleedyada waa fursad kale oo uu lumiyay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo haddii uu tegi lahaa, kana qeyb geli lahaa ay xaaladda oo dhan isbedeli lahayd, taasoo aan dhicin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dastuurka u xil saarayaa ilaalinta midnimada dalka, waa isaga qofka laga rabo inuu la yimaado xikmad uu isku hayo dalka kala qoqoban, kuna hoggaamiyo awoodaha is diidan ee isaga doortay, haddii uu taasi ku guul darreystana waxay noqon doontaa waqti kale oo ka lumaya hoggaankii loo han weynaa.