Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Sababta Ka Dambeysay Is Casilaada Taliyaha Xooga General Cifriid Iyo Wasiirka Gaashandhiga C/Rasiid

Thursday - October 12, 2017


Warar is khilaafsan ayaa ka iimaanaya xaga sababta is casilaada Taliyaha Xooga Jeneral Cifriid, laakiin mida runta oo la aaminsan-yahay ayaa sheegeysa in Jeneral Cifrid badalkiisa u waayahaanba miiska Farmaajo saarnaa, taaso ka dambeysay is qabsi joogta ah oo dhex maray isaga iyo wasiirka gaashandhiga Cabdirashid oo ku murmay khasnada lacgta ciidamada oo wasiirka ku andacooday in isagu xambaarto amase futa-futeeyo khasnada ciidanka, hasa ahaate jeneral Cifriid oo lagu yaqaan saajac fool adag ayaa diiday oo yiri sharci ma aha in kharajka ciidamada Milatariga lagu wareejiyo wasaarada gaashaandhiga, balse maamulkeeda sharci ahaan u maamuli-karo Taliska Xooga oo qura, kadib wasiir Cabdirashid ayaa dacwad ku oogay Jeneral Cifriid oo ay aakhrki isula tageen Raiisal Wasaare Kheyre, laakiin Kheyre marku dacwadii dhageystay isagoo sharciga eegin wuxuu is tusay in jeneraalku gardaran-yahay, sidaa daraadeed wuxuu ku amray Jeneral Cifriid inu qaato amarka Wasiirka oo wareejiyo maamulka lacag bixinta. Amarkaana ma yeelin Jeneral Cifriid oo labadoodiba si qayaxan iyo caro indha kulul ku yiri: Waxaa muuqata inaad tihiin caamo la soo xulay oo Sharciga iyo nidaamka u ku shaqeeyo Milatariga ma aha la jiifiyaa-ne banaan, balse waa sharci soo jireen ah oo marna aan la baalmari-karin .. ee warkiina baalluqa ahayn ma yeelaayo. dabadeedna Kheyre ayaa ku yiri: Jeneraale waxaagu waa amar diido ee iminka Digtoonow, dib u jeenso oo xafiiska iga bax 

Cala kuli Xaal Rasiil Wasaare Kheyre ayaa dhoosha ka cartamay kuna xil-furay inu ka daba qaato Jeneralka oo xilka deg deg uga qaado isagoo isla markiiba go'aankaas hor dhigay Madaxweyne Farmaajo su u gawraco, laakiin farmaajo ayaa dacwadi salka u dhigay oo ugu dambeystay tala bixin u saaray guddi saraakiil ay ka mid yihiin Jeneral Muuse Xasan iyo jeneral Maxamed Salaax, waxayna gunaanadkii warbixintoodi ku soo gabagabeeyeen in wasiirka Cabdi Rashiid Iyo Taliye Cifriid aysan sina ku wada shaqeyn-karin oo xilka ay hayaan laga fiirsado, taaso farmaajo go'aankiisi ku qotomiyey: bal labadaan masuul xilka ka qaad, kana geeh inu wax soo kordhiyo.