Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Bac-bacda Al-Shabaab Xumbo Cuskaneysa Oo Dhinacyada ka Soo Ooday Afgooye Iyo Balcad Iyo Ciidamadi Oo Dib U Gurasho Sameeyey

Monday - October 16, 2017


Balcad – Afgooye: Wararka laga helaayo Booli-Xoofteynta dagaal ee Al-shabaab ayaa sheegaaya iney dagaal dhumaaleysi iyo saasaan balo iyo baas ka wadaan dhinaca degaanka Afgooye iyo Balcad, waxaana warku carbaabaya iney si gaatin-gaatin socod ugu soo siqayaan labadaas Aag kadib markii ciidamadi xooga goobahaas ku sugnaa ay dhabarka qariyeen oo isaga baxeen Aagagi ay ku sugnaayeen, waxaana wararka xam-xamta tilmaamaya in ciidamada milatariga ay ka jirto gadood aan weli sababtiisa si fiican loo cadeyn, laakiin qaar dadka ka mida ayaa tilmaamaya in askartaa sun beeleed lagu muday oo si xun wax loogu sheegay iyo xaabo baa la idin ka dhiganaya

Hadda warka Aagagaas naga soo gaaraya gaar ahaan Magaalada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya inuu dagaal culus ka socdo deegaanka duleedka Baliga u dhow magaaladaas, iyadoo ay wararka sheegayaan in xaga ciidamada u ka jiro habac-sanaan
 
Warka ayaa intaa ku daraya in markii dambe oo qaylo dhaan timid in maleeshiyaadka Shabaab ay ku socdaan Xawaare sare ayaa halkaas si deg deg ah ku gaaray Ciidamo uu hogaaminaayo Abaanduulaha Ciidamada xooga Dalka Soomaaliyeed oo farha la galay hawlgalkii ka hortaga maleeshiyaadkaas, taaso keentay in maleeshiyaadkii Al-Shabaab ay halkaas markii dambe difaac galeen, waxaana la sheegay labada dhinacba ay heleen gurmad iyo taakuleyn
Dagaalkaan ayaa kusoo aadayo xilli uu Muqdisho ka jiro Qas iyo jaaha-wareer siyaasadeed, isla markaana qarax weyn ka dhacay oo geystay khasaaro badan oo isugu jiro Dhimasho iyo dhaawac.