Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Eebow Dayaxa Nuurka Leh Iyo Diinta Ha Naseejin .. Baadari Keenyaan Ah Oo Muslimay Kana Dhigay Kanisadiisi Masjid

Monday - October 23, 2017


(Foore)- Baadari Kenyan ah ayaa muslimay kana dhigay Kaniisaddiisa uu masuulka ka ahaa Masaajid lagu tukado oo ay islaamku yeeshaan isaga oo sheegay inuu qaadan waayay sida haweenku ugu soo labbistaan Kaniisadda.
“Kaniisadayda waxaa la dhihi jiray Nyalgosi God’s Call Church of East Africa, hayeeshe hadda waxaa lagu magacaabaa Nyalgosi Jamia Masjid,” 
Baadari Charles Okwany oo hadda la baxay magaca Ismaaciil ayaa sidaasi u sheegay wargeyska caanka ah ee The Nairobian.
“Intii aan ku jiray shaqadayda baadarinimada, waxaan ku socdaalay magaalooyinka Malindi, Mombasa, Nairobi iyo Tanzania si aan Kitaabka Kiristaanka ee Bible-ka ugu yeero dadka. Waxaan sidoo kale ka faa’iideystay fursadda ah barashada sinaanta akhlaaqda shacbi ee diimaha Kiristanka iyo Islaamka, waxaanan aan ogaaday in Islaamku uu yahay diinta ugu fiican ee Alle loogu dhawaado ee xaqa ah. Farriimaha Kitaabka bible-ku ma ahan mid dhiirri-gelinaya labisashada habboon. Waana nasiib-darro in haweenka qaar ay haaf aad u gaaban oo cawradooda muujinaysa usoo qaataan Kaniisadaha,” ayuu sii raaciyay.

Okwany wuxuu safarkiisa barashada Islaamka ka bilaabay booqasho uu ku sameeyey hoggaanka Muslimiinta magaalada Kisii kaas oo u sharraxay diinta Islaamka. Waxaana kadib la baray culimada caanka deegaanka ka ah ee Ragwe Imam iyo Mustafa Saoke. Bishii September 26-keedii, Okwany wuxuu qaatay Islaamka waxaana la islaamay 23 kamid ah xubnaha kaniisaddiisa.
Hadda, masjidku wuxuu leeyahay jamaaco ku dhow 63 qofood kadib markii 30-meeyo kale ay iska soo diiwaan-geliyeen degmada Kagan kuwaasi oo dhammaantood qaatay diinta islaamka.
Noqoshada Muslim, Okwany wuxuu doonaya inuu in badan kororsado cilmiga diintiisa.
Wuxuuna dadka ugu yeeray in Islaamka aan lagu koobin ama loo arag mid ay leeyiihiin Soomaalida iyo Carabtu. “Waana diin caalami ah oo dunida oo dhan ka dhaxaysa,” ayuu yiri isaga oo wargeyskaasi la hadlayay.