Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

India .. Magaalo Guryaheedu Aan Tuugadu Xadi-karin Oo Laga Tago Iyagoo Ballaqan " Village Without Door "

Friday - October 27, 2017


Magaalo ku taal waqooyiga dalka Hindiya oo lagu magacaabo, Shani Hignabur, ayaa dadka ku dhaqani aaminsan yihiin, in guryahooda aan la xadi Karin oo uu ilaalinayo Sanam ay aaminsan yihiinoo lagu magacaabo Shani.

Magaaladan ayaa guryaheedu aanay albaabo lahayn wax kastaana ay u dhex yaalaan dadka ku dhaqan, waxaanay ka tagaan isaga oo iska balaqan.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Faransiiska ee (AFP), waxa guri walba dadkiisu ka shaqo tagaan isaga oo balaqan sababtoo ah? Markii hore ee la dhisayayba looma samayn albaab, oo xitaa habeenkii waxa ay seexdaan isaga oo iska banaan.

Sida waaxda garsoorka ee dalka Hindiya sheegtay, magaaladan muddo nus qarni ah lagama diiwaangalin wax tuugo ah, mana dhicin in qof tuug ah boolisku ka soo qabto magaaladaas, waxaanay taasi ka dhigaysaa in magaaladani aanay lahayn Albaabo, sidoo kalana aanay lahayn tuug xada guryaha.