Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Mogdisha Oo Duufaano Qaraxyo Lagdatay .. Bartamaha Mogdisho Oo Maanta Qarax Ka Dhacay

Saturday - October 28, 2017


Magaalada Muqdisho ayaa galabta waxaa ka dhacay Qaraxyo lixaad leh, kuwaa soo ka kala dhacay Degmada Xamarweyne iyo daljirka Dahsoon.

Qaraxa koowaad ayaa loo adeegsaday Gaari laga buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, waxaana uu  ka dhacay Hotel Naasahablood 2 oo ku yaalla ama dhinaca ku haya safaaradi hore ee shinaha degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho.

Sida illa hadda warka soo dhacaya ayaa tilmaamaya in Qaraxaasi ku dhawaad 10 qof ku dhinteen, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa hadda ku sugan goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi ay ka waddaan howlgallo iyo sidoo kale howlo badbaadin ah.
Qaraxa labaad ayaa waxaa uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo lasoo dhigay Agagaarka daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ammaanka ayaa ku andacoonaya in ay ka war hayeen Qaraxaasi, islamarkaana ay dadka Shacabka kaga digeen in ay halkaasi ka fogaadaan.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay aad loo adkeeyay,waxaana ka socday howlgallo lagu xaqiijinaayay Ammaanka.

14-kii Bishaan ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Qaraxii ugu weynaa ee Abid ka dhaca Soomaaliya, waxaana uu sababay dhimashadda ku dhawaad 400 oo qof.