Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Dabki Lagu Gubay Zoobe Oo Galay Naasa-Hablood .. Farmajo Iyo Kheyre Oo Ku Jira Xaalad il-Qoolaadis Ay Ku Raadinayaan Saraakiil Loo ...

Tuesday - October 31, 2017


Iyado bulshada Somaali ka saluug qabto qaabka khamaarka seef la boodka ah u farmaajo iyo kheyre wax ku shaandheyaan aan hor iyo dabo-toona lahayen ee ah ka daro dibi dhal ayaa la filaya in maalmaha soo socda taayaro cusub u galiyaan aminga dhana u socon-waayey oo magacaabaan laba taliye cusub ee kala ah NISA iyo Poliska, kuwaaso la doonaayo iney Shabaabka ibtilada loo maaro la'yahay ka hortagaan oo sidi geedka sisinta Macsaro ka tuujiyaan 

Laakiin guud ahaan shacabka somaliya iyo gaar ahaan bulshada ku dhaqan Muqdisho,waxay aaminsan yihiin ineysan waxba soo kordhineyn sida gardarada ah ee guudka looga booday taliyaashii booliska iyo NISA ma daama wasiirka amniga iyo raiisal wasaare Kheyre aqoon la'aan awgeed ay dhinacooda farsamada Amniga ka foorarto oo xitaa sharciyan ay ahayd in meel ay ku dhimatay 1000 Qof ay iyagu is casilaan, balse taas ma dhicin oo danbigiiba waxay saareen saraakiishi Amniga

Sida lagu bartay kheyre iyo Farmaajo iyagoo tixi-galinaaya beel heblaayo ha ka tagin ay soo magacaabi-doonaan kuwa horey loo ogaa kartidooda waxna soo kordhineyn .. farsama-doodina waxay noqotay bal xagaan u gudub iyo xaga kale u gudub, taaso ah waxa la eeday iyo wax laga soo dheefay oo aan ceeb ahayen ma jirto 

Waxaa lala yaaban-yahay raga Badka isa soo dhigay kabihi ay ciribtu uga dhamaatay iyo bood-bood-kooda harsan la' ee u cararaaya jagooyinkaas iney qabtaan ay yihiin kuwa qurbaha ka yimi, oo taariikhda diwaanka amniga ugu qoran caga-seflayaal aan cid wax u dhiiban jirtay aysan jirin, waxaase laga yaaba in ragaas noocaas tilmaaman in kuwa ka mida la magacaabo .. waxaa hubaal ah in saraakiishi magaca iska lahaa ee u soo dhintay dalkaan oo qaarkood nool-yihiin kuwana dhinteen wey ku qosli-lahaayeen raga qaarkiis oo jagooyinkaa lagu magacaabo .. marka muuqa laga tago ayaa caqliga iyo garashada lagu kala taagsan-yahay oo qofna waxaa ka muuqata karaamadi iyo sharafti eebe ku sheegay, midna waxaa ka soo if baxaya stubid-nimo iyo dugaagnimo intaba.

Arintu si kastaba ha ahaate, wixii dhacay-ba dhace waase in aanay halkaas dhaafin ee lagu horjoogsada magacaabida beel hebel ku dhisan iyo sarkaal damiin ka ah amniga dhabarka loo saaraayo, oo waxaa madaxweyne Farmaajo looga fadhiya is xilqaan iyo inu turubka si wanaagsan u baandheeyo oo Amniga u magacaabo Saraakiil duco waalid xambaarsan gacantooda iyo hawlgalkooda bulshadu deeqdo, isla markaana amniga xarfad iyo aqoon u lahayd oo la is waafajo hawlgalka laga rabo in lagu sugo amniga dalka iyo saraakiisha ku haboon iney hawlgalkaas salabka u qaadi-kara .. waa in iyado la heli-karo wan-weyn oo indhaha dadka deeqa aan loo leexan waxaro iska hamuumaaya