Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Kala Shaki Jira iyo Qodobo La Isku Fahmi La'yahay Oo Ka Dhex Socda Maamulada Iyo Federaalka

Tuesday - October 31, 2017



Mogadisho-Waxaa gelinka dambe ee maanta lagu wadaa in la soo gabagabeeyo shirka u dhexeeya madaxda dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada ee ka socda Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Shirkan oo ah mid Xasaasi ah ayaa Ajandayaasha ugu waaweyn ee looga hadlayo waxaa ka mid ah xal ka gaarida khilafka siyaaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada, Dib u eegsita Dastuurka, Arrimaha Federalka, dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo arrimo kale.

Ilo ku dhow shirkan oo galay maalintii 3-aad  ayaa waxa ay sheegayaan in qoddobada qaar la’isku mari la’yahay, basle ay socdaan kulamo gooni gooni ah, si xal looga gaarayo arrimaha la’isku hayo.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali “Gaas” oo wajiga labaad ee shirka ka hadlay waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in madaxda Dawladd Goboleedyadu wadatashi lagala sameeyo sharci kasto ka hor inta aysan meel marin labada Aqal ee Baarlamanka.

Sidoo kale madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madobe” ayaa shaaca ka qaaday in loo istaago dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Waxaana uu tilmaamay in dagaalka lagula jiro Al Shabaab aan looga gungaari Karin Mara Cas iyo in baroor diiq la sameeyo,balse taa badalkeeda loo baahan yahay in la qaado abaabul ka dhan ah Al Shabaab.

Gabagabada shirka ayaa la filayaa in warmurtiyeed laga soo saaro, kaas oo la xariira go’aamada ay wada gaareen madaxda dowladad iyo kuwa Maamul Goboleedyada, si meesha looga saaro mad madowga siyaasadeed ee haatan jira.