Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Buuga Mucjisooyinka .. Ku Darso Ogaalkaaga Xogo Iyo Macluumaad Mucjiso Ah Oo La Yaab Leh

Friday - November 3, 2017


Qormadan Kooban waxaa lagu eegi doonaa macluumaad la yaab leh oo aad ka bogan doonto kuna darsan doonto ogaalkaaga waana xogo la xiriira aqoon guud oo lagu ururiyo macluumaadka la yaabka leh ee lagu magacaabo "Keydka Xogta Mucjisada ah" waxaanay qaybta maanta aan idiinku talo galnay ku bilaabmaysaa sidan:

– Ma Og tahay Akhristow in dareenka dhadhan ee Balanbaalistu ku jiro labadeeda lugood oo ay wax ku dhadhamiso labadeeda lugood oo aanay afkeeda u isticmaalin dhadhanka.

– Ma Og tahay in tirada xiddigaha iyo guud ahaan meerayaasha cirka ku sugani ay ka badan yihiin tiro ahaan ciidda dhulka guudkiisa saaran (Subxaanallaah).

– Khubarada cilmiga xayawaanku waxa ay ogaadeen in haddii uu dhinto labka shimbirka-xamaamku aanay xabbadda dheddig ee xamaamka ah ee uu ka tagay aanay waligeed isaga dabadii xiriir la samayn shimbir kale oo lab oo xamaam ah sidaana ku dhimato iyada oo kali ah. Waxa xusid mudan in shimbirka xamaamku u nool yahay qaab lammaane ah (Lab iyo dheddig).

– Tirada Bad-yarta (Haraha waaweyn ee bad-yarta ah) ee ku yaalla waddanka Kanada waxa ay ka badan yihiin dhammaan wadarta haraha waaweyn ee bad-yarta ah ee caalamka oo dhan ku yaalla.

– Haddii dadka adduunka ku nooli aaminsan yihiin in Gorayadu ay cabsi darteed madaxeeda u dhex galiso ciidda!, waxa la ogaaday in aanay taasi sax ahayn, iyada oo la sheegay in ay sidan u samayso in ay Biyo ka dhex raadiso carrada.

– Taariikhda aadamaha inta la og yahay waalidkii ugu yaraa ee ubad dhala iyaga oo da’ yari waxa ay ahaayeen lammaane Shiinays ah oo ilmo iska dhalay iyaga oo da’doodu jirto 8 iyo 9. Ninka ayaa ahaa 9-jir haweenayduna waxa ay ahayd 8-jir waxaanay qisadaasi dhacday sannadkii 1910-kii.

– Ma Ogtahay akhristow in qofkii ugu horreeyey ee hindisa kursiga layr-tiriigga ah ee dadka nafta lagaga qaado ama lagu dilaa uu ahaa Takhtar ilkaha ku takhasusay oo kursigaasi uga gol lahaa in uu bukaanka ilkaha wax kaga qabto.

– Khubarada xayawaanku waxa ay cilmi baadhis ku ogaadeen in Dawacada labkeedu inta uu nool yahay uu kaliya la xiriiro hal dacawo oo dheddig haddii ay dacawadaasi ka dhimato in aanu waligii dib dambe xiriir ula samaysan dacawo kale oo uu sidaa doob ku ahaado halka la ogaaday in dacwada dheddig ay Eyda iyo dacawooyinka labka ah ee kaleba ay iska raacdo.

– Tirada Ariga ku nool waddanka New Zealand waxa uu kor u dhaafay 70 Milyan oo neef halka tirada dadka dalkaasi aanay gaarin 4 Milyan oo qof. Waxaana lagu tilmaamaa dalkii arigu ka badnaa dadka.