Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Damac Macangag Wado Baa Hirgalay .. Dhaxal Sugaha Kowaad Maxamed Bin Salmaan itaal Sheeganaaya Oo Ragi Amiirada Seef La Soo Galay

Sunday - November 5, 2017


Dhaxal sugaha kowaad ee boqortooyada Sacuudiga Amir Maxamed Salmaan ayaa isago itaal awoodeed sheeganaaya isla markaana magaca Boqorka aabhiis ku qaraabanaaya wuxuu xilka ka qaaday tobaneeyo Amiir oo ay ku jraan Shan Wasiir oo awood iyo ixtiraam ku lahaa maamulka dawladaas, isla markaana xabsiga loo taxaabay oo hadda ay ku socto baaris la xariirta iney si farsamo musuq-maasuqa ku futa-futeeyeen khasnadi hanti dawlada, waxaana ka mida amiiradaas la xiray amiirka Billionair-ka ah ee lagu magacaabo Al-Walid Bin Talaal .. waxaa kalo xilkii si gaara looga xayuubiyey Amiir Matcab Bin Cabdalla oo ahaa wasiirka ilaalada Qaranka " Xaras- Al-Wadani" Amiirkaas oo ahaa ninka u ka baqi jiray ina Salmaan inu damaciisa dhaxlnimada ka horyimaado, waxaa kalo la cadeeyey in isna jeneraalki ciidamada Bada isna xilkii laga qaaday.

Warka la soo xigtay ayaa tilmaamaya in Amiirada iyo Wasiirada la xir xiray u amarkooda si toosa u bixiyey wiilka dhaxal sugaha kowaad ah oo la yiraa Maxamed Sin Salmaan

Arintaa ololaha qab-qabashada amiirada iyo wasiirada, waxay dhacday kadib markii la magacaabay Guudi cusub oo loogu magac daray Guddiga la dagaalanyta Musuq maasuqa, waxaana Guddigan madax u ah Dhaxl sugaya Boqortooyada.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in caga-baruurka yar Dhaxal sugaha Ina Salmaan uu si gaara iyo dabagal u beegsanayo Amiirada iyo xubnaha kale aan ku qanacsaneyn siyaasadiisa, waxa uuna Dhaxa sugaha muujinayaa salad awoodiisa .

Wasiirad xilka laga qaaday qaarkood iyo maaal-qabeeno ganacsigoodi albaabada loo laabay ayaa ahaa kuwa magac weyn ku lahaa dalka Sacuudiga, waxaana laga cabsi qabaa in xil ka qaadistooda ay abuurto mucaarad xoogan uu la kulmo dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan.