Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Amiiradi Reer Al-Sacuud Oo Galay Xaalad Car Juq Deh .. Amiir U Feyd-Feytay Inu Ka Baxsado Seefta Ina Salmaan Oo Diyaaradi U La Baxsaday Xabad Yuuseysa Lagu Soo Riday

Monday - November 6, 2017



Warbaahinta dowladda Sucuudiga ayaa sheegeysa in amiir ka tirsan boqortooyada dalkaasi iyo dhawr sarkaal sar-sare oo kale ay ku dhinteen diyaarad ku bururtay meel u dhow xudduudda uu dalkaasi la wadaago dalka Yaman.
Diyaaradda burburtay ayaa lagu sheegay in ay tahay nooca qumaatiga u kaca ee heelikobtarka loo yaqaan, waxayna ku burburtay meel u dhow magaalada Abhaa ee ku taal koonfurta dalkaasi.
Amiirka oo lagu magacaabo Maansuur Bin Muqrin ayaa ahaa ku xigeenka governatooraha gobolka Casiir, waxaana dhalay dhaxal sugihii hore ee dalkaasi Amiir Muqrin Bin Cabdicasiis Al-Sacuud oo xilka dhaxlnimada laga Musuq-maasuqay, waana amiirka hadda nool oo ugu Da' yar walaalaha ilma Boqor Cabdicasiis

Ilaa iyo haatan ma cadda sababta keentay in diyaaraddu ay burburto, laakiin war laga xaqiijiyey rag xogogaal u ahaa xaalkiisa ayaa barta Tuwittarka soo dhigay in amiirku rabay inu baxsado oo u gudbo xaga Yaman kadibna markii la ogaaday diyaaradi u la socday gantaal lagu soo riday.