Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Dalka Al-Jeeriya Oo Khaati Ka Taagan Raga Shiineyska Oo Hablahooda Ku Guursanaaya "Zawaaj Al-Curfi" Iyo Xukumada Oo Go'aamo Ka Soo Saartay

Monday - November 6, 2017


Algiers- waddanka Algeria oo ka mid ah dalalka carbeed ee ku yaal Woqooyiga Qaaradda Afrika ayaa shaaciyey in dhibaato weyni ka haysato oo uu khaatiyaan ka taagan yahay guur qarsoodi ah oo ay haweenkoodu ku guursanayaan rag Shiinays ah taasina ka hor imanayso qawaaniinta guurka iyo Arrimaha qoyska u yaalla dalkaasi Aljeeriya walise aanay haweenka dalkaasi ka waantoobin in ay qarsadaan rag badan oo Shiinays ah oo ay siyaalo kala duwan u guursanayaan.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee dalka Aljeeriya, xukuumadda dalkaasi waxa ay walaac weyn ka qabtaa kororka uu isku soo tarayo guurka qarsoodiga ah ee ay haweenka dalkaasi ku guursanayaan Shiinayska gaar ahaan guurka loo yaqaano “Zawaaj Al-curfi” oo ah nooc guur oo dalkaasi sharci ahaan aan laga ogolayn oo ah guur muddo kooban ku siman oo aan loo marayn habkii iyo hannaankii guur ee dhaqan ahaan dadka dalkaasi u guursan jireen waana xaajo ugub ku ah dalkaasi oo walaaceeda leh.

Inkasta oo juquraafi ahaan dalalka China iyo Algeria aanay isku dhawayn haddana xiriiro ganacsi iyo kuwo aqooneed ayaa keenay in muddooyinkii dambe labadaasi dal aad isugu furmeen taasina keentay in xiriiro qarsoodi ah oo hoose dhex maraan Ragga iyo haweenka dalalkaasi gaar ahaan ragga Shiinayska ah oo iyagu ku dheeraynaya in ay guursadaan haweenka dalkaasi Aljeeriya, walow dhaqan ahaan iyo diin ahaanba labada shacab ee dalkaasi aad u kala fog yihiin.

Dhawr kiis oo guur ah oo muran dhaliyey oo dhex maray haween muwaadiniin ah iyo rag shiinays ah ayaa maxkamadda ku jiray maalmihii ugu dambeeyey. Haween badani waxa ay ubad ku dhaleen noocan guur ee qarsoodiga ah maadaama ay inta badan haweenku sidan u yeelayaan iyaga oo ka werwer qaba in aan waalidkood u ogolaan guurka ragga shiinayska ah taasina keentay in ay qarsadaan raggan.

20-kii sano ee ugu dambeeyey waxa sida daadka ugu soo qulqulayay dalkaasi Aljeeriya Shiinays badan oo ka hawl gala shirkado labada dal iska kaashadeen iyo arrimo ganacsi taasi oo keentay in rag aad u tiro badan oo shiinays ahi haweenka dalkan u guursadaan hab qarsoodi ah iyaga oo marka la qabtana sheegta in ay qaateen diinta islaamka. Xukuumadda dalkaasi Aljeeriya ayaa la filayaa in ay go’aan ay arrinkan ka gaartay ku dhawaaqdo toddobaadkan iyaga oo gabi ahaanba mamnuucaya noocan guur ee haweenkoodu ku qarsanayaan ragga shiinayska ah.