Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Xayiraad Lagu Soo Rogay Xerada Xalane Ee Mogdisho

Thursday - November 9, 2017


AMISOM ayaa qoraal ay soo saartay maanta ku sheegay in dhammaan wax alle wixii shaqo ah oo ka socday Xalane la joojiyay maalmaha 9-13, November 2013-ka.

AMISOM waxaa ay sheegeysaa in baaritaan xagga amaanka la xiriira ka sameyn-doono Kaamka 5-taas maalmood, iyada oo la adeegsan-doono tillaabooyin dheeraad ah sida Bandow la soo rogo, Eeyo wax baara iyo isbaarooyin ama Checkpoints.

Dhammaan dadka halkaasi u shaqo-tagi jiray waxaa loo sheegayaa in ay u hoggaansamaan xayiraadda, waxaa kale oo Kaamka laga mamnuucay shaqada dhismaha, ganacsiga, Airportiga, dhaqista gawaarida iyo dukaameysiga.

Inta uu bandowga ama howlaha ammaanka socdaan waxaa safaaradaha, shaqaalaha Ajaanibta, qandaraaslayaasha, shirkadaha, dukaanleyda lagu war-gelinayaa:

AMISOM ayaa dalbanaya in loo ogolaado in ay baarto guryaha iyo dhammaan dhismayaasha iyada oo la adeegsanayo Eeyaha qaraxyada baara si hubka iyo waxyaalaha qarxa ee qarsoon loogu raadiyo.

Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Kaamka ka dhex-sahaqeeya ayaa la amray iney waa soo gudbiyaan liiska hubkooda iyo licences-ka lagu diiwaangeliyay, waxaa laga soo qaadaa dowladda federaalka ah.

Dhammaan dadka howshan ay khuseyso, waxaa lagu wargelinayaa in ay u hogaansamaan maadaama aan shaqaale iyo gawaarida xamuul aan la ogaan-doonin dhammaan waddooyinka ama ka baxa Kaamka.

Sida ay baahiyeen AMISOM Shaqada waxaa ay dib u bilaaban-doontaa 13-ka November marka dib u eegis lagu sameeyo in shaqada lagu guuleystay.