Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Mudo Wuxuu Soo Dhutiyaba Ma Is Keenay Nabsigi Isaga Oo Ka Yar Bisad .. Amiiradi Sacuudiga Kabaha Loo Sidi Jiray Been-beenta La Afuufnaa Oo Xarun Xuunsho La Fariisiyey

Saturday - November 11, 2017


Akristow Aduunka intaad ku nooshahay wax kasta oo kaa yaabiyaba waa ay ku soo marayaan duniduna sideedaba waxa ay u eeg tahay sida Giraangir hadba dhinac u wareegaysa, hadii maanta aad aragto sheeko iyo wax ku cajab galiya, ku talagal barina waxa aad arkaysaa hadii aad nooshahay wax kale oo kasii daran.
Waxaa beryahaan si is daba jooga jeelka loogu taxaabayey Tijaarti maal-qabeenka, wasiiro iyo Amiiradi dalka Sacuudiga ee ku suntana Kibir, Gaal jaceyl, xishood laga dhaarshay iyo Daruuro ku caweyn cidna aan daneyn, balse xashiis moodaan iyago saas tahay hadana is cajabiyey isu qaatay wax dhaama oo ka fiican ineysan dunida jirin, kuwaaso ahaa kuwa markey hadlaan laga daba qufaco isla markaana caan ku ahaa inta kolkaas itaalka daran ku amar-taagleyn jirtay iyagoo haddana sidi ay mac-macaanki Umada islaamka u cunayeen calooshu faaxday, dabadeedna kici kari-waayey, oo xita ay gaareen heer kada-loobsan-karin.

ilaahey oo naxariistiisa badantahay wuxuu ajiibay codsigii adoomadiisa, waxaana shacabkii shiikh iyo shariifba ka qaylinaayey amar-ku-taagleyntooda Alle inta ka aqbalay ku saladay ina adeerkood caga-baruur yar Maxamed Bin Salmaan oo isago xanaaqsan buuftaamaya mar ku yiri. ilma Adeer, waxbaa naga qaldamay oo aan saxeynaa ee intii aad wax khaldeyseen dhameysate ee halkiina iimaansada oo markaad cuntaan Garawga dhuusada ka dhakh siiya