Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Taliyaha Milatariga Zimbawe Jenaral Constantino Oo Ka Dhirfay Is Badalka U Sameeyey R. Mugabe

Tuesday - November 14, 2017


Janaraalka ugu sarreeya milateriga waddanka Zimbabwe ayaa ka digay suuragalnimada in faragelin milateri lagu sameeyo dagaalka siyaasadeed ee ka dhex taagan xisbiga haya talada waddankaasi ee ZANU-PF.
Faragelintan uu sheegay ayaa imanaysa maalmo kaddib markii Madaxweyne Robert Mugabe uu xilkii ka qaaday ninkii ay u badneyd inuu xilka isaga ka badelo, madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa.
Dagaalka loogu jiro cidda badalaysa Madaxweynaha 93 jirka ah ee Robert Mugabe oo si hoose u soconayay muddo sanada ah ayaa haatan bannaanka u soo baxay.
Inkastoo uusan haatan doonayn inuu xilka banneeyo ayaa haddana waxaa loo malaynayaa in Mr Mugabe uu u meeldayayo xaaskiiska Grace.
Todobaadkii la soo dhaafay waxa uu xilka ka qaaday siyaasi la is lahaa waa uu badeli doonaa waa Emmerson Mnangagwa ee, isagoo ku eedeeyay inuu galay khiyaano qaran.
Mr Mnangagwa ayaa u baxsaday dalka dibaddiisa, Mugabe-na waxa uu wacad ku maray inuu xididada u siibi doono saaxiibadii.
Janaraal Constantino Chiwenga ayaa haatan u muuqda inuu soo dhexgalayo qalalaasahan siyaasadeed.
Taliyaha milateriga Zimbabwe ayaa sheegay in xilkaqaadista ka dhex socoto xisbiga Zanu-PF ee lagu bartilmaameedsanayo dadkii ka soo qeyb qaatay halgankii xornimo doonka ay tahay in la joojiyo.

Tani waxa ay dad badan u arkayaan in uu janaraalku ka hadlayo Mr Mnangagwe iyo taageerayaashiisa.
Janaraal Chiwenga ayaa waxa uu intaasi ku daray in marka ay timaado ilaalinta waxa uu ugu yeeray kacaanka Zimbabwe, uusan milaterigu ka baaqsanayn inuu soo farageliyo.
Xiisaddu ayaa aad u kacsan, milateriga Zimbabwe-na waa uu kala qeybsan yahay si la mid ah sida uu u kala qeybsan yahay xisbiga Zanu-PF, qofkastana waxa uu haatan sugayaa qaabka uu Mr Mugabe u falcelin doono.