Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

War War-fidiyeen Loo Soo Dusiyey .. Wasiir Bayle Oo Isaga baxay Shirki Golaha Wasiirada Kadibna Caro Awgeed Ku Hagoogtay Xafiiskiisa

Thursday - November 16, 2017


Mogdisho-Sida ay xaqiijiyeen Xubno ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyrre waxaa goor-dhaw ka baxay Shirka Golaha Wasiirada oo ka socda Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaalle Bayle kadib muran niba dhinac u rogay soo kala dhax galay Wasiirka iyo Ra’iisal Wasaaraha..

Wasiirka Maaliyadda iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa la sheegay in ay dood indhaha la isku gubaayo dhaxmartay Muddo dhowr daqiiqo ah kadibna waxaa Shirka isagoo careysan ka soo baxay Wasiir Bayle,oo kadib la arkay isagoo xafiiskiisa ku hagoogan.

si fiican looma xaqiijin muranku wuxuu salka ku hayo Khilaafka Wasiirka iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, hasa yeeshe waxaa la sheegay in wasiirka u diidan-yahay in golaha wasiirada si kaltan ah ay ku shiraan xarumaha maamulada gobolada ma daama ay ku baxeyso kharaj malaayiin ah.

Sida la ogyahayna Arintaan ayaa ku soo beegmayso iyadoo maalintii Shalay ay ku dhawaaqday iscasilaadeeda Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maryan Qaasim Axmed waxayna is-casilaadeeda u cuskatay is bar bar yaaca ka jira Shaqada Xukumadda. waxaa kalo afka lagu haya in wasiiro kale ay iyaguna niyada ku hayaan iney xilka ay hayaan isaga tagan