Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Amiiradi Reer Boqor Oo Jirdil Loo Geystay Kana Ka Dhex Waaq-leynaaya Xabsiga Lagana Yaabo In Xabaalaha La Dhigo

Friday - November 17, 2017




Warar laga soo xigtay mid ka mid ilaalada qaabilsan maxaabista amiirada ee ku xiran hoteelka la yiraahdo Ritz Carlton ayaa si qarsoodi ah ugu tabiyey mid ka mida dhasha amiirada, waxuuna sheegay in amiirada ay imtixaan iyo dhib weyn ku qabaan xabsiga-karantiilka oo damiirkoodi u burburiyey wiilka waalan ee ina Salmaan.

Warbixnta ayaa lagu sheegay in koox kiisaska baarta loo diray amiiradaas, hasa-yeeshe markii ay la kulmeen amiiradaas ayaa iyagoo weli isu haysta amiiro xaasaanad haysta kaga hor-yimaadeen aflagaado cay iyo hadadaad iyo yaa idin soo diray tuugyahay. dabadeed saas markay dhacay oo kiis-baarayaashi quus ka istaageen aflagaadad amiirada, waxay talo ugula noqdeen amiirka raga u xiran amiir maxamed Salmaan taaso keentay inu isaga laftiisa goobti tago oo ka codsado iney amarka qaatan oo ogolaadaan baarista iyo dabagalka lagu sameynaayo, laakiin jawaabtu rabay ma ay siin balse waxay ku yiraahdeen war istubid-yahow wajigayaga ka hordhaqaaq .. Wecel baraxa baa tahay oo maba tihid inan ka soo jeeda reer Cabdicasiis Al- Sacuud .. waxaad boobtay xil aadan qaadi-karin una qalmin, laakiin ina Salmaan ayaa isagoo goobta ka si baxaya ku yiri: ilma adeeryaal iska dhaa-dhaaleeya waxaad sheegeysaan dheg u dhig-maayo ee dhaha waxad doontaan mar hadaad aniga ii dabran-tihiin oo teyda baan ku soconaaya. ma ahi nin idin jixin-jixaya, ma ahi mid aad ka badali-kartaan majarahiisa

 Amiir Maxamed Salmaan oo gafuurtaag la dhoola cadeynaaya ayuu halkii sidi Daa'uuskii isagu is galay wax bog iyo baabaco leh loodiya la waayey, dabadeedna caro iyo ciil kaga baxay goobti ayaa kooxdi baarista ku amray in qofkii baarista diida si xun laftu qaadaba la jabiyo illa u ka ogolaado inu sheego waxaa uurkiisa ku jira kheyr iyo sharba,.

Kooxdi baarista oo u dhagu nugul amarka Sayidkooda waxay ragi amiirada ula tageen garaacid iyo sinsaaro xambaar illa qaarkood ay gacamah iyo lugaha ka jajabeen oo kici kari la' oo xitaa ay kada- loobsankarin meel kasta la gooyey.