Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Markabkii U Amiir M. Salmaan Ku iibsaday $550 Milyan Oo Hardiyey Buur-Badeed Dhagax Ah Noqdeyna Mid Aan Dib Dambe Loo Isticmaali-karin

Wednesday - November 22, 2017


Wargeys ka soo baxa dalka iisraaiil ee la yiraa Haartez ayaa daabacay war u ku sheegay in Markabki Raaxda dalxiiska u dhawaanta dhaxal sugaha amiir maxamed bin Salmaan ku iibsaday 550 milyan doolar u asiibay burbur kadib marku si lama filaan ah u hardiyey buur dhagax ah oo ku taal badweynta Bada Cas oo masaafo u jirta 20-Km magaalada Sharma Sheekh ee ku caan baxday madadaalada iyo dalxiiska, waxaana Markabkaas soo gaaray dhawac iyo dilaac weyn oo ka dhigtay mid aan dib dambe loo istcmaali-karin

Markabkaan waxaa sameysay shirkad ku taal dalka Talyaani oo la yiraahdo Binkanteri qiimaha ay ku dhistana waxay ahayd 30 milyan oo doolar ..  dheerarka markabka waa 140 miter iyo ballaciisu oo ah 20 mitir .. markabka waxaa loogu tala galay in gudihiisa diyaafad loogu sameeyo illa 24 qof iyo 52 isugu jira baxaari iyo shaqaale ka hawlgasha .. Markabku waxuu leeyahay labo barxad oo diyaaradaha helikobtarka ku soo degi-karaan, waxaa kalo markabka ku sameysan qolol waaweyn oo madadaalad loogu talagalay iyo kuwa lagu daawado shaneemooyinka.

Sida u qoray jornaalka, muddo hadda laga joogo laba sano ayaa Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan isagoo dalxiis ku mushaaxaya gobolka waqooyi Rivera ee dalka Faransiiska waxaa ishiisa soo jiidatay hanaanka quruxda markabkaas .. dabadeed Maxamed Bin Salmaan ayaa isla maalintiiba isu xayd-xayday inu iibsado markabkaas isago si karkaba ah kula xariiray mulkiilaha markabka oo la yiraah Billionair Yuri Shefler ahna ninka iska leh warshada sameysa khamriga Vodkada ee Ruushka. halkaaso kulan gorgortan u ku dhex maray labada dhinac, waxaana gorgortankii halkaas macaashki ugu weynaa ee dunida laga macaasho ku helay mulkiilihi markabka oo malaayiin lacag khiyaali ah ku karbaashay Maxamed Bin Salmaan .. Mulkiilihi Mr. Yuuri oo jeegi lacgta indhaha looga dhuftay dhunkaday iyo Ribixa aan macquulka ahayn la yaaban ayaa qosol iyo fool wada qayaxan ku yiri: Kaligaa waalo wareer weeye, ha lagu waasho wanaag waaye
Sido kale wargeyska the New Yorka Times, ayaa isaguna qoraal kaga faalooday iibka markabkaas ugana dhigay cinwaanka qoraalkiisa sidatan : Saudi Prince Mohamed Bin salman buys $ 550M Yacht but slaashes public spending.