Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Rumeyso ilaahay Subxana Watacaala Ayaa Ah Qani Adana Tahay Faqiir .. Ninkii Ugu Hantida Badn Shiinaha Oo Sheegay In Markii 12 Dolar U Mushaar U Qaadan-jiray Ka Farax Badnaa

Tuesday - November 21, 2017


Ninka ugu hantida badan dalka Shiinaha oo lagu magacaabo, Jack Ma ayaa mar kale hantiyay kaalinta qofka ugu hantida badan dalkiisa, ka dib markii sida la sheegay uu sanadkii tagay oo kaliya macaashay 25 Bilyan dollar, taas oo lagu tilmaamay macaashkii ugu waynaa ee dunida la faa’iido.

Ninkan oo ka hodmay shirkad shabakada Internet-ka wax ku iibisa oo wakhtigan noqotay ta ugu wayn dunida ayaan si wayn ugu farxin hantidan aadka u badan ee uu helay, waxaanu tilmaamay in mar kasta oo lacag badan uu helo ay hoos u dhacdo farxadiisu.
Jack Ma ayaa ka waramay noloshii uu ku noolaan jiray xiliyadii hore ee uu saboolka ahaa, gaar ahaan Macalin uu ku shaqaysan jiray oo uu noloshiisa ka dabari jiray, waxaanu yidhi, “Waxaan farxad iyo nolol wanaagsan ku noolaan jiray, markii aan laba iyo tobanka dollar ee mushaharka ah qaadan jiray, xiligaas oo aan ahaa macalin dakhligiisu sidaa u kooban yahay, hasa yeeshee haystay, farxad iyo nolol wanaagsan.”
Maal qabeenka ugu hantida badan dalka Shiinaha Jack Ma ayaa nolol aan la macnayn Karin ku tilmaamay, maal qabeen-nimada, waxaanu ku dooday in mar kasta oo lacagi u korodho qofku sii nacasoobo oo uu nolol aad u liidata galo.
Jack Ma ayaa sheegay in sabool nimada dhex dhexaadka ah ee uu qofku nolol maalmeedkiisa helaa ka wanaagsan tahay kun jeer, hantida faraha badan iyo xisaabteeda oo qofka noloshiisa la qaybsanaysa, halka nolosha dhex dhexaadka ah uu qofku firaaqo badan u helo, noloshiisa iyo farxadiisa.
Ugu danbayntii Jack Ma, ayaa ceeb iyo wax laga xishoodo ku tilmaamay bakhayl nimada lacagta laga qaado, waxaanu yidhi, qofku marka uu in yar oo dhaqaale ah haysto waxa uu bixiyaa wixii ka gu’itima laakiin maal qabeenadu waxay bixiyaan wax yar oo faro guudkood ah.