Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Dhiiga Yaa Kiciyey .. Iraan Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadalkii Ka Soo Yeeray Maxamed Bin Salmaan Ee Ahaa Ayatollaah Waa Hitlerki Xujeysna Ee Arlada Wareeriyey

Saturday - November 25, 2017


Iran ayaa dhaxal sugaha taajka boqortooyada Sucuudiga ku sheegtay in uu yahay qof aan garaadkiisu bislaan oo gardareysi wada kadib markii uu isagu ku tilmaamay hogaamiyaha saree Iran waa Hitler-kii bariga dhexe oo miciyaha u lisanaaya hanashada dalalka mandiqada.
Dagaalkan afka ah ee labada dal ee gobolka ku loolamaya dhex maraya ayaa wasarada arimaha dibadda Iran tiri Maxamed bin salman waa duub la iibsaday aan edeb loo sheegin ee ha ka fikiro masiirka digtatarada gobolka.

Amiirka oo hogaamiya dhabta ah ee sucuudiga ayaa layn adag ka qaatay Iran.Wuxu u sheegay New York Times in aanu ogolaan doonin is fidinta iiraan saamaynteeda.
" Waxaanu yurub ka barangay in maslaxaadu aanay shaqaynin. Ma doonayno Hitler cusub oo Iran oo ku celiya wixii ka dhacay yurub bariga dhexe" ayuu yiri isagoo tixraacay Ayatollah Ali Khamenei.
Hadalkiisaas ayaa soo jiitay jawaab adag oo Tehran ka timid.

Wasaarada arimaha dibada Iran af hayeenkeeda Bahram Qasimi ayaa ku eedeeyay amiirkan dhaxalka leh inuu yahay mid aan garaadkiisu bilsaan, oo wuxuu sheegaayo aan ka fiirsan kuna hadala hadal dhataqla ah aan lahayn sal iyo meel loo raaco.