Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Ibixiyow-Ibixi .. Amiir Matcab Bin Cabdalla Oo Xoriyadiisi Ku iibsaday Balaayiin Lacag Ah

Wednesday - November 29, 2017

Dhowr qof oo ka mid ah in ka badan 200 oo qof oo isugu jira amiirro iyo saraakiil sare oo kal hore bishan lagu soo qab-qabtay hawlgal ka dhan ah musuq-maasuq ayaa hadda xabsiga laga sii daayay.

Qofka ugu magaca weyn dadka hadda xabsiga laga sii daayay ayaa ah amiir lagu magacaabo Miteb bin cabdalla oo u dhalay boqorkii hore ee sacuudiga ee midka hadda ka horeeyey, iyadoo labo usbuuc ka hor markii la soo qabanayay laga xayuubiyay xilka madaxa ilaalada qaranka( Xaras al-wadani)

Warka ku saabsan sii deyntiisa ayaa lagu ogaaday qoraallo ay barta Twitterka soo dhigeen qaar ka mid ah xubnaha qoyska reer boqor.

Xarigga Mitcab oo tan iyo afartii bishan lagu hayay hoteelka weyn ee Ritz Carlton ayaa ahaa mid ka fajaciyay dad badan maadaama uu ahaa madaxa ilaalada qaranka, xilkaasi oo ahaa xil aad muhiim ugu ah amniga boqortooyada.

Waxaa sidoo kale loo arkayay in uu noqon doono boqorka mustaqbalka ee dalkaasi.

Sarkaal ka tirsan dalka Sucuudiga ayaa sheegay in amiirkani uu ogolaaday in uu bixiyo lacag ka badan hal bilyan oo doolar si uu xorriyaddiisa uu dib u helo.

Saddex qof oo kale ayaa sidoo kale la sheegayaa in xabsiga laga sii daayay.

Dhammaan shakhsiyaadkani ayaa lagu eedeeyay musuqmaasuq kala geddisan oo qaarkood la sheegay in balaayiin lacaga la geystay tobanaan sano ka hor.