Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Aarsiga Waa Caado Aan Harin Dumarka Bakistan Ku Cararaan .. Aroosad Laysay Dad Badan Oo Ka Soo Qayb Galay Xaflad Arooskeeda

Wednesday - November 29, 2017


Haweenay aroosad ahayd ayaa xiligii lagu guda jiray arooskeeda sun caano ugu dartay dadkii ka qaybgalayay, halkaasoo ay ku dhinteen illaa 15 qof, waxaana arintan ay ka dhacday magaalo ku taalla dalka Pakistan.

Sideed qof oo kale ayaa isbitaalka u jiifa sunta ay cabeen magaalada Multan ee dalka Pakistan kuwaasoo caloosha laga geliyey tubooyin ka soo saara suntan.

Booliiska waxa ay sheegeen in Asiya Bibi ay sunta u qastay ninkeeda, balse uu isaga cabi waayay caanaha, badalkiisana ay cabeen dadkii xafladda kasoo qeybgalay oo u badnaa qaraabada ninka.

Taliyaha booliiska degmada Muzaffargarh Aweys Axmed Malik ayaa sheegay in nooca sunta ay haweenayda isticmaashay la ogaan doono oo kaliya marka baaritaan lagu sameeyo.

Haweenaydan ayaa lagu qasbay guurka , waana wax iska caadi ah dadka fuqurada ah ee dalka Pakistan in guurka lagu qasbo si qoyska ay dhaqaale uga helaan.