Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Xildhibaano KaTirsan Majliska Shacabka Oo La Sheegay Iney Bisinka U Qabanayan Mooshin Lagu Ridaayo Madaxweyne Farmaajo

Saturday - December 2, 2017



Waxaa maalmahaan si is daba jooga isa soo taraya warar ham-ham ah oo lagu sheegaayo in u jiro Mooshin laga diyaarinayo madaxweyne Farmaajo, iyadoo sida la tilmaamay ololaha iyo diyaar garowga mooshinka u markii hore ku bilowday si hoose oo la isku faham-siinaayey in maamulkii Farmaajo iyo hawlihiisi madaxtooyada ay noqotay geedi habaabay oo ay la wareegeen Habro saar leh iyo sebiyo wax ay micneynayaan toona aysan jirin. waxaa haatan muuqata in dhaqdhaqaaqaas mooshinka mid banaanka u soo bixi raba todobaadyada soo socda gudahooda.

Mooshinkan oo la sheegaayo inuu ka dhan yahay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaa ololihiisa ka dambeeya xildhibaano isugu jiro dhowr waji oo ay qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan Labada Gole, Maamul goboleedyada iyo siyaasiyiin lagu tiriyo inay ku dhow yihiin Imaaraadka Carabta.

Dhaq dhaqaayqada siyaasadeed ee ka jira magaalada Muqdisho ayaa sii xoogeystay, kaddib markii magaalada dib ugu soo laabteen Xildhibaano fara badan oo ku maqnaa dibadda, waxaana arrintan ay keentay dareen xoog leh.
Wararka ayaa sheegaya in mooshinka hada la diyaarinayo ay ku jiraan qodobo culus, waxaana suuqa soo galay qabyo qoraal ku saabsan qodobada loo cuskanayo mooshinka.

Dhinaca kale Xildhibaano ayaa la sheegay inay saxiixeen mooshinkan, inkastoo aan la hayn tiro rasmi ah, laakiin waxay qaarkood xildhibaanada carrabka ku dhufteen in saxiixa iyo inta fikirkaas liqday u gaaraayo il 82 xildhibaan

Warar kale oo suuqa ku jira ayaa sheegaya Mooshinkan halkii saxiix uu marayo $20,000, taasoo suura gal ka dhigi karta in mooshinka degdeg u howl galo.

Sida uu qabo dastuurka Mooshin ama Imbeachment laga keeno Madaxweynaha ayaa u baahan inay marka hore saxiixaan illaa 92 Xildhibaan.

Si kastaba ha ahaatee, hadii mooshinkan dhab ahaanshihiisa banaanka u soo baxo waxaa uu noqonaya mid xaalada siyaasadeed ee dalka wax ka bedelo, isla markaana uu dalku galo marxalad cusub oo aan la garan-karin waxa ay keeni karto.