Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Yaman Oo Noqotay Goob Iblis Ku Hardinaayo .. Rug-Cadaagi Yama Cali Cabdalla Saalax Oo Aakhiro Tagay

Monday - December 4, 2017



Sanca -Wararka ka imanaya dalk Yemen ayaa xaqiijiyay dhimashada Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Salax kaasoo lagu diley maanta dagaal xoog leh oo ka dhdcay caasimada dalka Yemen.

Xisbiga uu madaxda ka ahaa Cali Cabdalla Saalax ayaa xaqiijiyay geeridiisa sidoo kale waxaa la so bandhigay sawir iyo muuqaal video ah oo laga arkayo meydka Cali Cabdalla.

Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa qarxiyay guriga uu ku lahaa Cali Cabdala Salax magaalada Sanca kadib dagaal dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Sanca.

Cali Cabdalla Salax ayaa ku dhowaaqay dhowaan in uu isbahaysi la gelayo gaashaanbuurta ay hogaamiso boqortoyada Sacudi Carabiya haddii laga qaado go’odoominta Waqooyiga Dalka Yemen.

Cali Cabdalla Salax waxa uu dhashay 21kii March 1942kii waxana uu ku dhashay tuulada Bait el-Ahmar oo dhanka Koofur Bari ka xigta magaalada caasimada ah ee Sanca.

Cali Cabdalla ayaa ku biirey ciidamada lugta ee dalkiisa sanadka marka uu ahaa 1958,waxana uu galay Dugsiga lagu tababaro ciidamada 1960kii saddex sano kadibna waxa uu noqday sarkaal ka mid ah ciidamada dabaabaadka. dabadeed wuxuu waqti ka soo wareegaba iyo xilal kala duwan u so qabtay waxaa ugu dambeysti sanadkii 1978 baarlamaanka Yaman ay u doorteen madaxweynaha dalkaas yaman

Si kastaba ha ahaatee, Cali Cabdalle Salax ayaa waxa uu xulufo la noqday Xuutiyiinta kadib markii dagaalka sokeeye uu ka qarxay  dalka Yemen waxaana uu toddobaadkan sheegtay in uu ku biirayo isbahaysiga Sacudi Carabiya taasoo u horseeday in Xuutiyiinta ay aad uga caroodaan kadibna duqeyn lala beegsado gaari u ku jiray oo u rabay inu u baxsado gobolka u ku dhashay.