Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Itoobiya Oo Tiri Waxbaa La Saxaya Lana wareegtay Degaano Ka Tirsan Gobolka Mudug

Tuesday - December 5, 2017


Duqa Degmada Gaalkacyo Ee Maamulka Puntland Maxamuud Yaasiin Tumeey oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ay la Wareegeen Degaanno ka tirsan Gobolka Mudug oo Xilligii Dowladdii dhexe ay joogi jireen Ciidamada Soomaaliya.

Maxamuud Yaasiin Tumeey ayaa Xusay in Ciidamada Itoobiya ay horay ula Wareegeen Degaanka lagu Magacaabo Dogob oo Magaalada Gaalkacyo dhanka Galbeed ka Xiga Qiyaastii 15 KM- islamarkaana Maalmo ka hor ay sidoo kale la Wareegeen Tuulada Beer-dhagaxtuur oo iyaduna ka mida Dhulka Soomaalida Ee ku yaalla Xadka Gobolka Mudug uu la wadaago Itoobiya.

Guddoomiyaha Magaalada Gaalkacyo Ee Maamulka Puntland ayaa Tilmaamay in Degaanka Beer-dhagaxtuur oo Puntland ay dooneysay in ay ka dhagax-dhigto Ceel-biyood ay ka horjoogsadeen Ciidamo Itoobiyaana,waxaana uu xusay Duqa Degmada Gaalkacyo in Itoobiya ay Af-cad ku tiri Dhulkaan waa Dhul Itoobiya.

Hadalka ka soo yeeray Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland ayaa imaanaya Xilli Dowladda Itoobiya horay loogu Eedeeyay in ay ka soo Talowday Soodintii Xuduudda Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya ay horay u Calaamadeysay.