Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

iiraan Oo Sacuudiga Aduun Kaga Dheereeysey Iyo Bin Salmaan Oo Sidi Dheri-kara Qiiq Ka Baxaya Caro Kula Kufay General Matts

Tuesday - December 5, 2017


War laga soo xigtay gacan-yarayaasha wasiirka gaashaandhiga mareykanka ayaa sheegay in Wiilka dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan u si Ciil iyo Caro leh kula dhacay wada hadal wasiirka gaashandhiga general Mates, oo ku yiri mareykano idin eegayo arinkiina ma garan
Amiir Maxamed Salmaan oo khadka isgaarsiinta ku xirtay wasiirka ayaa hadalkiisa si caro ugu sheegay wasiirka in dawlada mareykanka ay si dareen iyo damqasho la'aan ah iska eeganeyso ibtilada mooraduuga ka socda Cariga Yaman, waxaanu ka codsaday in arimaha gobolka ka socda iyo iiraanta gubeysa Yaman indhaha si wacan loogu kala qaado, isla markaana loo diro diyaarado duqeeya goobaha ay ku sugan-yihiin maleshyaadka Xuutiyiinta si looga xoreeyo Yaman kuwaaso u yiri falaadkooda wuxuu gaaray iney si bareer cad u dilaan Cali Cabdalla Saalax, iyado ayuu yiri ifa-faaluhu u dhacaayo in iiraan-yiinta ay gabi ahaanba iyagoo cidna ka gabaneyn dalka yamen la wareegaan.

Laakiin wasiirka gaashandhiga oo hadalka ina Salmaan hororsaday ayaa jawaabtiisi ku yiri; Dawlad ahaan sida ay wax u dhacayaan waan la soconaa, waana isku wada raacsanhay qaska iyo fad-qalalo iiraan ay ka wado dalka iiraan oo noqotay meesha lagaga soo mudo Sunta dalalka Carabta, laakiin saas oo ay tahay anagu ka ciidan ahaan waxaan wax ka baranaa qaladaadki shalay oo xanguruufaha ay watan dab iyo dagaal lugaha lala galo, oo hadaan laga taxadarin nagu sara kici-kara ee saas darteed waxaan soo jeedineynaa in dhinacyada is haya in lagu wada duulo majaraha ku hagaya nabada iyo xasiloonida gobolka.
Amiir Maxamed Salmaan oo hadalkii wasiirka ka si xumaaday ayaa si qarnaqsi ah ku yiri: oo Mr. Wasiir waad ogtahay in Ruushka 100 diyaaradood kuwa dagaalka u soo diray dalka siiriya oo halkaas hawlgalkii ciidamada Ruushka bil gudaheed arinti Siiriya waji kale u yeelay, marka ma taas eegtaan oo kaga dayataan .. taasna wasiirka kama jawaab celin oo wuxuu u muuqday nin hadalka amiirka aan wax ka soo qaad lahayen.