Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Shiikh Yuusuf Al-Qardaawi Oo Fariin Adag U Diray Dunida Muslimiinta: Qudus Difaaceeda Waxaa Laga Rabaa Musllimiinta Oo Dhan

Friday - December 8, 2017


Guddoomiyaha Hayada Culimada muslimiinta Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi ayaa farriin uu soo diray muslimiinta caalamka oo ku saabsan xaaladda magaalada Qudus ku sheegay in difaaceeda uu saaran yahay dhammaan dadka Muslimiinta ah.

Qudus kaliya ma laha dadka Falastiiniyiinta ah, inkastoo ay yihiin dadka ugu xiga, Carabtana keligeed ma laha inkastoo ay yihiin dadka ugu horeeya ee difaaceeda waajibka ku yahay .. Qudus waxaa leh dhammaan Muslimiinta Bari iyo Galbeedka, Waqooyi iyo Koofurta dunida ku nool, ha ahaado madax, shacab mid aqoon leh iyo mid jaahil ah, faqiir ama hodon, Rag iyo haween .. Qardaawi oo fadhigiisu yahay magalada Doha hadalkiisa si wata ayaa Yiri: islaamow Ka kacaay ka kacaay oo ital xumida joojiya

Sheekh Qardaawi ayaa is weydiiyey halka ay jirto umaddii islaamka iyo sababta ay u kici la' yihiin oo ay MAYA u oran waayeen Yahuudiyeynta Qudus, wuxuuna sheegay inaysan suuragal ahayn in laga aamuso xaaladda Qudus ka taagan.