Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Durdurkii Khasnada Markii La Futa-futeeyey Xayiraad Safar Iyo Amar Culus Oo Lagu Soo Rogay Wasiiradi Axmed Siilaanyo

Saturday - December 9, 2017


Warar xog ogaal ah oo isa soo taraaya ayaa sheegaya in amar xayiraad ah la dul dhigay dhamaan xubnaha golaha wasiirada ee xukuumadda xilka ka sii dagaysa ee Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo, kaas oo ka mamnuucaya in wax safar dibadeed ah uga bixin karin dalka gudahiisa wakhtiga lagu guda jira kala wareega ee ay xilka isku wareejinayaan madaxwaynaha xilka kasii dagaya Md Axmed Siilaanyo madaxwaynahala doortayMuuse Biixi Cabdi.

Ilo Wareedyadani waxaa ay sheegeen in dhamaan madaarada dalka la geeyey waraaqda xayiraada golaha wasiirada,iyaga oo masuuliyiinta haystana lagu war geliyey inaanay xubnaha golaha wasiiradu aanay dalka ka dhoofi karin ilaa amar danbe mooyee.

Arrintan xayiraada golaha wasiirada xukuumadda ayaa kusoo beegmaysa wakhti kala guur ah oo ay xilka la kala wareegayaan madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo madaxwaynaha la Doortay Muuse Biixi,taas xil wareejintooda ay dhacayso 13 bishan aynu ku jirno.

Muuse Biixi Cabdi madaxwaynaha la Doortay ayaa shacabka Somaliland waxay aad isku waydiinayaan inuu la xisaabtami doono wasiiradan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo oo ku kacay musuq iyo boobkii hantida umadd,isaga oo hore u arkayay halka uu marayay musuqa iyo hanti boobku.