Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Amiir Maxamed Bin Salmaan Oo Lagu Eedeeyey Inu Sidi Asxaabul-Fiilkii Quds Duminaayo Iyo Dadka Reer Qaza Oo Guuxa Iyo gariirka Ka baxay Gubay Sawirkiisi

Sunday - December 10, 2017


Dadyooga ku nool magaalada Qaza ee cariga falastiin ayaa maalmahaan si is daba jooga u wada mudaaharaadyo Bug iyo Bac looga soo horjeedo duulaanka madaxweynaha asaasaqay Trump u ku aqoonsaday magalada Al-Quds iney tahay caasimadi Israail, isla markaana Safaarada mareykanka ay u soo wareegi-doonto Quds.

Shacabka oo arintaa ka careysan oo ciil la digrinaaya ayaa hayaay iyo qaylo cod dheer ku cambaareeyey hagardaamada dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo lagu eedeeyey inu ku hawlan-yahay masiibada Reer falastiin, isla markaana isagu ajiibay codsigi Trump ee ahaa in quds gabigeedaba lagu wareejiyo israaiil, taaso keentay in dadkii reer Qaza ee mudaharaadeyey ka baxaan jawgi aamusnaanta oo ciil awgii ay dab qabadsiyaan calankii Sacuudiga iyo sawirkii Maxamed Bin Salmaan oo fagaaraha lagu gubo.

Sida la ogyahay dhaxal suga Maxamed Salmaan oo isagu kursiga dhaxalka si sharci daro ah kaligiis qoondeystay ayaa lagu tilmaama nin aanadiisu weyn-tahay oo aan la aqoon cid u ka aarsanaayo, halkaaso ayaanti timaadaba jar iska laalaadinaaya, kaaso aad moodo in siyaasadiisi sal-dhigan la'dahay oo noqotay sidi dhar la waray ay dabeyl hadba dhinac u walhineyso.