Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Dirqiyey Inu Dawladiisa Ka Cayriyo Kuwa Abeesada Lagu Sheegay Ee Ka Luf-Lufta Dawlada Qadar

Tuesday - December 12, 2017


Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo oo la daalaa-dhacaya Mooshin uga soo socda xaga mucaaradkiisa ayaa hadana waayahaan Wajahayaa weerar dhanka madaxda Sacuudiga, Emaaraadka iyo Masar kuwaaso daneynaaya arimaha somaaliya

 Sida la ogyahay Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa uu dalalka Imaaraadka Iyo Sacuudigga Tagay illa 6-Safar kuwaasi oo gar wadeen ka ahaa Dowladda Masar iyadoo Eegeeysa Danteeda Gaarka ah islamarkaana Rabto in Dowladda Soomaaliya ay go'aan Cad ka qaadato Arimaha Khaliijka.

Warku wuxuu sheegaya oo la ogaaday in Maxamed Farmaajo u dhawr jeer safar ku tagay Dalalka Sacuudigga Iyo Imaaraadka kuwaasi oo uu la soo galay Ballamo kala Duwan oo uusan midkood Fulin,Waxeeyna taasi sababtay in loo aqoonsado Madaxweyne maqaar saar ah oo Beenloow ah.

Dhawaan Waxaa uu Madaxweyne Farmaajo Socdaal ku tagay Wadanka Masar Waxaana uu la kulmay Madaxweynaha Dalkaasi C/fitaax Al-Siisii, kaasi oo ay isku Ogaayeen Arimo dhowr ah oo ay ka mid Ahaayeen in R/wasaare Kheeyre, Gudoomiye Taabid Iyo Fahd Yaasiin oo la Rumeeysan yahay in ay ka luf-luftaan Qadar uu dabada ka galo oo Ceeyriyo.

Farmaajo oo si weyn loogu xanto inusan laheeyn Go’aan Adag iyo adkeeysi hadal ayaa waayey wax uu ugu jawaabo Madaxweynaha Masar oo dhowr jeer Damaanad qaaday in Farmaajo uu qaadaayo Balamahaasi uu la galay Dalalka Carabta, laakiin Madaxweyne Siisi ayaa hadalkii qaatay oo ku yir:
Madaxweyne aan Go’aan laheeyn Dal Ma Hogaamin-karo Ee fadlan Go’aan yeelo, Inaad i ceebeeyso ayaad ugu tala gashaye oo ballankii aad iga qaaday iga baxdo .

Madaxweyne Farmaajo oo yaxyax la khajalsan Hoos Fiirinaya ayaa ka soo duulay Dalka Masar waxaana hadda laga yaabaa in uu Qaato Go’aan adag oo ka dhan ah Kooxda la diidan-yahay hormuudka ka yahay Xassan Cali kheeyre, iyaguna kooxdaan waa ogyihiin in lagu maqan-yahay oo gorgortan jiro.

Dalalka Caalamka Qaarkood siiba ayaa Aaminsan in Madaxweyne Farmaajo uusan ku shaqeeyn Aragtidiisa balse uu yahay shaqsi ay Adeegsadaan Fahad Yaasiin, Kheeyre Iyo Taabid kuwaaso lagu tuhmo iney Lufluf ka qaata dawlada Qadar, saas darteedna hogaamiyayaal Sar Sare ka Yihiin taageerada Qadar,

Si kastaba ha ahaatee, Dalal badan Caalamka oo daneeya arimaha Somaliya ayaa rumeeysan in madaxweyne Farmaajo u yahay nin aan ballamada ku fiicneyn oo rajo laysku maaweesho ku dhaqma, isla markaana beenta ku dheereeya