Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Dhawaaqiisa Waa Garanaya Ruxi Dhiig Leh .. Erdogaan Oo Ka Careysan Qafaalka Ku Dhacay Qudus Oo Haddana Ka Digay Hindise Kale Oo Lagu Qafaasho Kacbada Iyo Madiina

Friday - December 15, 2017


Geesiga aan warkiisa la gaban Madaweyne Erdogaan ayaa maalinti jimcaha sheegay in nabadi caalamka aysan sugneyn oo arladi Bariga dhex lagu dhex tuuray Dab iyo Qunbulado oo Qafaalka ku dhacay Quds ay la mid tahay Kacbada oo la qabsaday iyo dadyooga islaamka oo lagu soo rogi-doono iney saxaraha awrtooda Ku Rartaan.

Madaxweyne Erdogaan ayaa warkiisi raacshay oo yiri: ogaada oo digtoonaada midkiin baa mid kale lagu dabaya .. ogaada dulinimo waxaa nogu filan haddi ay Qudus sidaas ku tagto, dabadeed wey adagtahay inaan difaacno Madiina, sido kale haddi Madiina gacanta ka baxdo, wey adagtahay in la difaaco Maka, taaso iyaduna marka dambe keeneysa in Kacbada faraha ka bixi-doonta .. Erdogaan wuxuu kaloo si cadeeyay in aqoonsiga dagal huriye Trump oo ku aqoonsaday Quds iney tahay caasimada israaiil ay tahay baadil u arxda noga naga toogtay, taaso ka tarjumeysa in la soo jabiyey albaabadi bariga dhexe oo Muslimiinta halkaa ku nool lagu hayo weeraro hujum aan caadi ahayn

Laakiin Erdogaan ayaa sido kale yiri: aniga nin i raba iyo nin aan irabin aniga Rabi iyo Rasuul baa igu filan Raali-nimadiisa ayaa si geesinimo u tilmaamay in mareykana iridi Quds aan ka soo gali-jirnay Ooda naga saaray, taaso hujuum iyo bareer cad ku ah Malaayinta muslimiinta ee daafha aduunka ku kala nool.
Waxaan qaadeynaa ayuu yiri:  Naftu orod bey kugu aamintaa oo talaabo ayaa jirta aan golaha amaanka ku geyneyno in qaraarka mareykanka sharci-darada ku dhisan la jabiyo, oo haddi taas Veto la saaro aanu kadib dacwadayada u wareejin-doono golaha qaramada midoobay ee loo dhan-yahay.